Home Warka Maanta Rooble qeyb ma ka noqon doonaa shirqoolka madax goboleedyada ay wadaan?

Rooble qeyb ma ka noqon doonaa shirqoolka madax goboleedyada ay wadaan?

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Shirka Muqdisho ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madax maamul goboleedyada, waxaa Rooble ku hortaalla su’aal weyn oo ah; ma xakameyn doonaa damaca siyaasadeed ee madax goboleedyada mise qeyb ayuu ka noqon doonaa?

Shirkan ayaa waxaa horyaalla afar qodob oo weyn, hase yeeshee qodobka ugu muhiimsan, uguna cawaaqibka badan, ayaa ah midka la xiriira habraaca doorashada xildhibaanada golaha shacabka, oo madax goboleedyada ay isku dayayaan inay awoodda maamulka doorashada ugala wareegaan guddiga doorashada heer federal.

Guddiga Doorashada heer Federaal, oo ka war-helay in madax gobleedyada ay damacsan yihiin inay soo saaraan habraac doorasho, ayaa ka hordhacay, waxayna 19-kii August soo saareen habraac doorashada golaha shacabka. 

Habraacan ayaa si weyn loogu xadiday awoodda madax goboleedyada, balse madax-goboleedyada ayaa hadda doonayaa in taas waxa laga beddelo, ayaga oo doonaya inay soo saaraan habraac doorasho oo awood badan siinaya iyaga.

Qorshaha madax-goboleedyada ayaa ah inay doorashada golaha shacabka ka dhigaan mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo si buuxda ay u lahaayeen go’aanka cidda noqoneysa senator iyo cidda aan noqoneyn.

Ma jiraan awoodo madaxda maamul goboleedyada u siinaya inay soo saaraan habraac doorasho, haddii ay sidaas sameyn karaanna, waxay su’aashu tahay maxaa looga baahan yahay oo loo dhisay guddiyada doorashada?

Ra’iisul Wasaare Rooble naftiisa ayaa mar horeba awood tiray guddiga doorashada markii uu sameeyey guddi kale oo xafiiskiisa ka dhisan oo qaabilsan raadinta dhaqaalaha doorashada, taasi oo aheyd shaqadii guddiga doorashad heer federal.

Guddigaas ayaa durba gacanta kusoo dhigay 7.2 milyan oo ka mid ah dhaqaalaha doorashada, kadib heshiis ay la galeen beesha caalamka.

Ayada oo la fahmi karo xasaasiyadda ay lacagta u leedahay siyaasiyiinta Soomaalida, ayey guddiga doorashada ka tanaasuleen qodobkan, balse waxaa weli socda dadaallada looga rifayo baalasho, laguna awood tirayo.

Waxa ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah; cidda leh awoodda soo xulista ergada dooraneysa xildhibaanka. Madax goboleedyada ayaa doonaya inay kaalin ku yeeshaan xulista ergada, halka odayaasha qabaa’ilka, guddiga doorashada, midowga musharaxiinta iyo madaxweyne Farmaajo ay doonayaan in qabaa’ilka loo madax baneeyo.

Madax goboleedyada qaarkood ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble, oo maalmahan ay xiisad kala dhaxeysay madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu warramay in madax goboleedyada qaarkood ay ka dhaadhicinayaan inay soo saaraan habraac doorasho oo ka duwan midka guddiga doorashada, taasi oo haddii ay dhacdo sababi karta xiisad siyaasadeed hor leh.

Qodobka habraaca doorashada ayaa sidoo kale u muuqada inuu kala geeyey Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo horey xulufo u ahaa, ayada oo musharaxiinta ay aad uga soo horjeedaan in doorashada Aqalka Sare ay noqoto mid la mid ah tan Aqalka Hoose.

Qoraal kasoo baxay shirkoodii Muqdisho ee toddobaadkii tegay ayey Musharaxiinta walaac xooggan uga muujiyeen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare. 

Waxay sidoo kale toos fariin ugu direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday, in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka.

Rooble oo tan iyo markii uu hoggaanka doorashada la wareegay sumcad ku kasbaday dhex-dhexaadnimo iyo sida habsamida leh ee uu u maareeyey, ayaa qodobkan wuxuu u noqon doonaa mid sumcaddiisa kusii taagnato, ama lugaha u geliye fadeexad iyo musuq-maasuq siyaasadeed oo sanado badan laga sheekeeyo. 



Source link