Home Warka Maanta Rooble Oo Magacaabay Wasiir Cusub Xukuumadiisa Ah (MAGACIISA)

Rooble Oo Magacaabay Wasiir Cusub Xukuumadiisa Ah (MAGACIISA)




Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa umagacaabay Wasiirka Shaqada & Arimaha Bulshada C/wahaab Xuseen Ugaas Khaliif.

Booska Loo magacaabay C/wahaab waxaa bishii hore ka cudur daartay Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar,hayeeshee Rooble ayaa galabta xilkaasi magacaabay.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kula dar daarmay Wasiirka la magacaabay inuu dhakhsi xilka kula wareego uuna la yimaado hufnaan iyo shaqo howlkarnimo leh.

Mas’uulka maanta la magacaabay ayaa hore usoo noqday Wasiirkii Ganacsiga Dawladii uu hogaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo Kale Wasiirka Cusub Ee Galabta la magacaabay ayaa mar soo noqday Ra’iisal Wasaare Kuxigeen Dawladii Sheekh Shariif Madaxweynaha ka ahaa.

 



Source link