ROOBLE oo magacaabay guddi cusub oo ka kooban 34 xubnood ah + Ujeedka





Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa magacaabay guddi ka kooban 34-qof oo isugu jira wasiirro, qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiskiisa iyo xubno ka socda bulshada rayidka, waxaana guddigaan hoggaami doona ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in guddigaan uu ka shaqeyn doono dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee saameynta ba’an ay ku yeelatay abaarta ka jirta gobollada dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya baahida loo qabo dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka looban Golaha Xukuumadda iyo qeybaha Bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Guddigan uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kala ah:

1 – Mudane Mahdi Maxamed Guuleed: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS
2 – Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye : Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
3 – Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
4 – Mudane Jamaal Maxamed Xasan:Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
5 – Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha
6 – Cismaan Abokor Dubbe: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
7 – Mudane Cumar Cali Rooble: Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
8 – Mudane Cabdicasiis Xasan Ashkir: Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
9 – Marwo Shukri Maxamuud Afrax: Wasiiru-dowlaha Tamarta iyo Biyaha
10 – Mudane Xaamud Cali Xasan: Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka
11 – Mudane Cabdirisaaq Daahir Maxamuud: Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha
12 – Mudane Cabdullaahi Maxamed Shirwac
13 – Sheekh Bashiir Axmed Salaad
14 – Mudane Sheekh Cabdulqaadir Soomow
15 – Mudane Sheekh Yuusuf Cali Ceynte
16 – Marwo Caasho Geelle Diiriye
17 – Marwo Aamino Xaaji Cilmi
18 – Marwo Caasho Shaacuur Ugaas
19 – Marwo Batuulo Axmed Gaballe
20 – Mudane Cabdi Axmed Baafo
21 – Mudane Cabdi Aadan Hoosow
22 – Mudane Dr.Maxamed Xaaji
23 – Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi
24 – Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan
25 – Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
26 – Mudane Khadar Ismaaciil Jimcaale
27 – Mudane Cabdulfataax Maxamed Cabdinuur.
28 – Liibaan Cabdi Cali
29 – Aamina Axmed Samatar
30 – Cali Maxamed Maxamuud
31 – Yaasmiin Cabdi Maxame
32 – Cabdi Ciise Diirshe
33 – Kamaal Daahir Guutaale
34- Shucayb Cabdullaahi Xasan

 




Source link