Home Warka Maanta Robert Lewandowski Oo Kaligiis Ka Goolal Badan 7 Kooxood Oo Ka Ciyaara...

Robert Lewandowski Oo Kaligiis Ka Goolal Badan 7 Kooxood Oo Ka Ciyaara Bundesliga Xilli Ciyaareedkan. – Allbanaadir Media

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa sii wada wacadarihihii uu dhigayay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Poland ayaa 2 gool ka dhaliyay kulanka ay kooxdiisu haatan la ciyaarayso kooxda Borussia Dortmund ee ka tirsan horyaalka Bundesliga.

Robert Lewandowski ayaa dhaliyay goolkiisii 29-aad ee horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan waxana uu sii wadaa gool dhalintiisa cajiibka ah.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa kaligiis ka goolal badan 7 kooxood oo ka tirsan horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan kadib labadiisii gool ee ugu dambeeyay.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha uu Robert Lewandowski kaligiis ka goolal badan yahay Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Robert Lewandowski: 29

  1. Hertha Berlin: 28
  2. Werder Bremen: 26
  3. Augsburg: 24
  4. Mainz: 23
  5. FC Köln: 21
  6. Arminia: 18
  7. Schalke: 16

Source link