Ra’isulwasaare Xamse oo safarkii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka dibaddiisa








mogadishu (Allbanaadir Media) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi  Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safarkii ugu horreeyay tan iyo markii laga magacaabay ugu  ambabaxay dalka dibaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD).

Inta uu shirka socdo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka sida arrimaha amniga iyo Abaaraha & waxa kaag qorsheysan Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda ka qey galeysa Shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Barta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD)”.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre inta uusan ka ambabixin Magaalada mogadishu waxa uu la kulmay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho oo ay kawada hadleen Xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Waa safaarkii labaad ee uu ra’isulwasaare Xamze kaga baxo magaalada mogadishu tan iyo markii la magacaabay wuxuuna safarkiisii ugu horreeyey ku aaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.










Source link