Home Warka Maanta Ra’iisal wasaare Rooble oo magacaabis deg deg ah sameeyey (Akhriso Magacyada)

Ra’iisal wasaare Rooble oo magacaabis deg deg ah sameeyey (Akhriso Magacyada)




Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi loo xilsaaray inay kormeeraay qoondada haweenka inay siyaasada intii loogu talo galay helaan.

“Si loo hubiyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS,ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo saaray”.

Guddigaan oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxa gudoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe,iyadoo Hal Rag ah uu ku jiro Guddigaasi.





Source link