RAG hubeysan oo Xildhibaan ku dilay magaalada MUQDISHO

Posted on


Muqdisho (Allbanaadir Media) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland loogu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa lagu toogtay Allaha u  naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Marxuumka ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Salaaddii Maqrib, ayada oo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkiisa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo war kasoo saaray dilkan ayaa  ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaanka uu usoo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, gaar ahaan reer Jubbaland, isla-markaana lagu xasuuqan doono wanaagiisii.

Dilka loo geystay xildhibaanka ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay haddane howlgallo ka sameeyaan ciidanka amniga.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jabiyay dagaallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka Soomaaliya.





Source link