Rag dilka geestay oo laga soo qabtay Xadka Kenya loona gacan geliyay Puntland (Sawirro)

Posted on

Taliska ciidanka booliska ee maamulka Jubaland ayaa ku wareejiyay ciidanka booliska Puntland , gaar ahaan qeybta gobolka Mudug labo eedeysane oo dil horey uga geestay gobolka Mudug, kuwaa oo dilka kaddib u baxsady gobolka Jubadda Hoose.

Booliiska Jubbaland ayaana howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay eedaysanayaal lagu kala magacaabo Cawil Ciise Xirsi iyo Aadan Cilmi Ciise kuwaaas oo ku eedeysan in πŸπŸ—/𝟏/πŸπŸŽπŸπŸ’ degmada Jariiban ay ku dileen Marxuum Cabdiraxman Maxamed Afrax.

Raggan dilka geestay ayaana booliiska Jubbaland kasoo qabteen xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, xilli ay doonayeen in gudaha u galaan dalka Kenya, waxaana raggan laga dejiyay magaalada Gaalkacyo, iyadoona lagu wareejiyay booliiska Puntland.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf ayaana kaga mahadceliyay booliiska Jubbaland soo qabashada raggan dilka ku eedeysnaa, waxa uuna taliyaha xusay in raggan caddaaladda la horgeyn doono .

Dadka dilalka geesta ayaa marakii hore u baxsan jiray gobolo iyo deegaanno kale oo dalka katirsan, hasa ahaatee waxaa hadda adkaatay in gacankudhiiglayaasha helaan gabaad, iyadoona laga soo qabto meel kasta oo ay tagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link