QORMO: Xildhibaanada Sool,Sanaag Iyo cayn ee Puntland Cada Qaatayaal lagu Shaqeysto

Puntland Waxaa Ka Dhacay Sheeko Faalloyin U Bahan Qof kasta Dhinaca uu Kar Arko Inuu Kasoo Gudbiyo.
Aniga waxaan isku dayayaa Inaan Iftiimiyo Dhinacyada Badan ee Ku Daboolan Xilka Qaadista Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland,Iyadoo Eedeeda Ugu badani ku Dhacayaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulahi Deni oo Farta Lagu Godayo Inuu Ka Danbeeyey Wixii Dhacay.

Balse waxaa Jira Dhinacyo Badan oo Iyaga iska leeyahiin eedeeda Hadii lagu Qaadayo Xisaab Sharci (SOOMAALIDA WAXAY KU MAAH MAAHDAA RIWALBA SHILALKAY IS DHIGTA LAGU GOWRACAA) Marka Khilaafka Yimaado Layskuma Naxaristo oo Lacala Hadii Gudoomiye Dhoobo Fursad ku Heli Lahaa Deni xataa wuu Ka Qaadi lahaa.

Lakiin wali Akhristow Hadaad Kasoo Jeed Sool,Sanaag Iyo cayn ma Isweydiisey Xagee Ayey Aadeen 26 (Labaan Iyo Lixdii) Xildhibaan ee Goboladaasi mooshinkani Maxaase Dan Ugu jirta Xilka Qaadista Gudoomiyaha Barlamaanka Deegaankooda Kasoo Jeeda?

ugu Horayn hadii Adan Ogayn Aan Ku Sheegee Puntland 26 Xildhibaan Ayey Ku Leeyahiin Gobolada Sool,sanaag Iyo cayn Waana Ku Ugu Horeeya oo Waligeedba loo Adeegsanayey Mooshinada Kuwo Horaba loogu Ridey.

 Gobolka Sanaad Wuxuu Leeyahay 11 Xildhibaan
 Gobolka Sool Wuxuu Leeyahay 8 Xildhibaan
 Gobolka Cayn Waa 7 Xildhibaan
Xildhibaanadaasi Aqoon Yaraantooda waxay Soo baxday markii Doorashada Madaxweynaha loo Dartamayey oo markaasi uun Iyagana La Doortay,Aqoon La’aantooda Waa tii Keentay Halkii Nin ee Aqoon yahanka Ahaa ee Gobolka ka Tartamayey ee Cali ciise cabdi 2 Xildhibaan u Codeeyeen.

Nin Kasta oo Dhaq Dhaqaaq leh Deegaanka Ay matalaan Iyaga Ayaa Lugaha qabta ,isla Markaasina u Lagda cadowgiisa.

Maanta Dhoobo Daareed oo Lagu haystey Yes Man Noqo Waxa Loo Adeegsaday Waa 26 Xildhibaan ee Gobolada Sool,Sanaag Iyo cayn,Kuwa Weeye Kuwa Laga Sugayo Inay Madaxda Puntland kula Xisaab tamaan Deegaankooda.

Kuwaasi Jeebka Ugu Jira Deni Weeye Kuwa Aynu Ka Sugayno Inay Deegaankooda Siyaasadiisa Kula Xisaab tamaan Madaxda Puntland.

Waxaa Hubaal Ah mari hadii Ay isqabtaan Deni Iyo Karaash Inay Yahiin kuwa Ugu horeeya oo Xilka Qaadis Ugu Codaynaya Deni Iyadoona Aysan Jirin Waxay ugu Cuskadeen( Geel jire Geela Waa wada Jiraa waana kala Jiraan ) Xataa Maah Maahdaasi Ma Garan Waayeen.

Su’al Loo Raadinayo jawaab Ayaa Ah Tolow Maxaa Cabsida Intaasi Le’eg Ku Galifey Mooyi Malaha Xilkooday U Baqeen oo Maba Oga Inay Beel Ahaan Ku Joogaan Meesha.

DAAWO MUUQAALKA