Home Xogta Dahsoon Qoorqoor waa nin jaahilnimo ku weynaaday – Xildhibaan Abtidoon

Qoorqoor waa nin jaahilnimo ku weynaaday – Xildhibaan Abtidoon

Xildhibaaan Maxamed Axmed Abtidoon, oo kursigii uu ku fadhiyay ee Golaha shacabka loo raray Aqalka Sare, isla-markaana laga reebay liiska musharixiinta, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, wuxuuna si la yaab leh ugu tilmaamay “nin jaahilnimo ku weynaaday”, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qoorqoor, ayaa kursigaan oo lamarkiisu yahay HOP248, ka wareegiyay Golaha Shacabka, si uu ugu boobo, Saciid Siyaad Shirwac, oo ay muddo dheer saaxiibo ahaayeen, kana soo wada shaqeeyeen dekedda Muqdisho, hadana ka wada tirsan yihiin Madaxda Maamulka Galmudug.

In kusigaan loo raro Aqalka Sare, waxa ay ka dhigan tahay in Aqalka hoose, loo diray kusiga uu ku fadhiyay Sanatar Abshir Bukhaari, oo ahaa Guddoomiye ku xigeynkii koobaad ee Aalka Sare, Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisu dhamaaday.

Hadaba Xildhibaan Abtidoon, oo aad uga carooday, go’aanka Qoorqoor, ayaa yir, “Waxaan cambaareynaa Dulmiga uu ku kacay Qoorqoor oo awalba aan ehel u aheyn hoggaamin iyo ka talinta masiir umadeed. Qoorqoor waa nin ku sifoobay maantaad heysataa ee beego waana dhaqan uu ku soo koray oo la yaab kama ahan agtiisa, waa nin aan abaalgalin oo leh dabeecadda Abeesada, nin abeeso koriyoow adigaa u aayi baan maqli jiray”.

Wuxuu hadalkiisa oo aad u adkaaa ku daray, “Qoorqoor waa nin jaahilnimo ku weynaaday oo bartay sirta la shaqeysiga madaxda Dalka, waxayna arintaa u sahahashay isagoo aqoontii iyo kartidii looga baahnaa laheen in looga dhiibo xil muhiim ah dakadda muqdisho dadkii uma shqeyn uu wuu ka shaqeystay waxuuna ka xooleystay hantidii shacabka, daaro badana xamar kaga iibsaday, shirkadana maalgashi ku darsaday kadibna waxuu raadsaday wasiirnimo waxaa loo magacaabay wasiiru dawle waa la qabsan waayay shaqadii wasaaradda kadibna waxuu raadsaday shaqo ka mug iyo miisaan weyn kuwii hore oo waxaa loo xoogay madaxweynihii Galmudug intaas oo darajo uu soo maray waxba kama badalin fikirkiisii, aqoontiisii iyo ilbaxnimadiisii balse labiskiisa oo kaliya baa is badalayay”.

Xildhibaaan Maxamed Axmed Abtidoon, oo ay isku heyb yihiin Qoorqoor, wuxuu xusay in Galmudug u baahantahay in laga badbaadiyo oo laga bixiyo gacmaha Qoorqoor, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu u taagan yahay, “qabaahada shaqada dib loogu xoreynayo Galmudug”.

Xildhibaan Abtidoon, wuxuu qoraalkiisa ku so af-jaray, fariin uu u diray Senator Abshir Bukhaari, oo kursigiisa loo wareejiyay Aqalka hoose, wuxuuna yiri,  “Senator Abshir waa nin la dulmiyay, Abshirow sheeko waxaa jirta la yiraahdo Dabaal yuusan kula dhalanin, haduu kula dhasho meel kaa fog ha dagaano, haduu kula daganyahay yuusan kaa xoog badnaanin, haduu kaa xoog badanyahayna ka huu baahnaado, haduusan kuu baahneen yuusan cadawgaaga gacanta u galin, haduu u galana inta uusan ku dilin iska dil.

Hada waxaa muuqata dabaalkii kula dhashay in uu gacanta u galay rag dakano kuu yahay kursigii bayna kugu dhafiyeen marka ninka inta uusan u dhameyn reer Galmudug aan gacanta wada qabano deegaanka iyo dadkana ka badbaadino.

 

Source link