Home Warka Maanta Qoor qoor oo tegay deegaankii saaka laga saaray Al Shabaab & Wasiir...

Qoor qoor oo tegay deegaankii saaka laga saaray Al Shabaab & Wasiir fiqi oo…




Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ayaa waxay maanta gelinkii hore la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Qeycad oo koonfurta Gobolka Mudug dhacda islamarkaana Al shabaab ay halkaasi ka ariminayeen muddo fog.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi & Taliyaha ciidamada dhulka Xoogga Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi ayaa qeyb ka ahaa howgalka lagu qabtay deegaankaasi.

Wasiir Fiqi ayaa qoraal duhurnimadii maanta uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku yiri “Todobaad dagaal aan kala joogsi lahayn oo argagixisada ka dhan ahaa, ugu danbayn waxaan fadhinaa taliskii argagixisadu ay Qaycad ku lahaayeen oo saakay ciidamada huwanti ahi ay kala wareegeen khawaarijta,waa sida uu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi”.

Dhinaca kale Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer ku tegay deegaanka Qeycad iyo tuulooyinka ku dhaw halkaasi oo saaka ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa xoogga Dalka ay lawareegeen.

Waxa uu dhiiri gelin ugu tegay ciidamada huwanta ah ee qeybta ka ah xoreynta deegaanada al shabaab kusugan yihiin,hadda ayey ciidamada udhaqaaqayaan degmada Xarardheere oo ah saldhiga ugu weyn ee Al Shabaab ku leeyihiin Gobolka Mudug.





Source link