Home Xogta Dahsoon Qoor qoor oo maqribkii soo gaaray Muqdisho & madaxda kale xilliga ay...

Qoor qoor oo maqribkii soo gaaray Muqdisho & madaxda kale xilliga ay imaanayaan

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo maalinta Sabtida uu furmo doono Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka sabtida ayaa looga hadli doonaa dardar gelinta doorashada Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada iyo dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashada.

Waxaa berri oo jimco ah la filayaa inay magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galaya shirka.

Galabta ayaa sidoo kale Muqdisho waxaa soo gaaray Wafdigii Rooble ee ku maqnaa Dalka Masar,iyadoo Xukuumadu ay diyaarineyso ajandaha shirka.

Source link