Home Warka Maanta Qarax lagu weeraray Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan & Ciidamo la socday

Qarax lagu weeraray Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan & Ciidamo la socday




Jugta qarax xoogan ayaa laga maqlay inta udhaxeysa deegaanada Coomaad & beer gadiid oo hoostaga Magaalada matabaan Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa lagu weeraray gaadiid kollonyo ah uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil ciidan.

Labo qof ayaa dhintay oo mid yahay Askari katirsanaa ciidamada Dawlada halka midka kale uu ahaa maleeshiyada macawiisleyda ah,seddex kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi maanta ka dhacay duleedka degmada Matabaan.

Dhaawaca ayaa loola cararay Cusbitaal ku yaalla Degmada Guriceel ee gobolka Gal gaduud sida ay sheegeen saraakiil qeyb ka aheyd howlgalka lagu xoreenayo inta udhaxeysa Magaalooyinka Beled weyne,Maxaas iyo Matabaan.

Shalay Axadii ayuu bilowday Howlgalkaasi oo ciidamada Dawlada ka sameenayaan deegaanadasi si looga xoreeyo Al Shabaab.





Source link