Home Xogta Dahsoon Qarax ka dhacay Muqdisho & Mas’uul katirsan gobolka Banaadir oo lagu dilay

Qarax ka dhacay Muqdisho & Mas’uul katirsan gobolka Banaadir oo lagu dilay




War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooganuu ka dhacay Xaafad katirsan deegaanka Garasbaaleey.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyo ayaa la sheegay in gaarigiisa uu haleelay gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Ee Magaalada Muqdisho.

Faah faahino badan lagama hayo,hayeeshee Qaraxa jugtiisa meelo kala duwan ayaa laga maqlay iyadoo dadka waxyeelo ay soo gaartay.

Maxamed Abuukar Afrax ayaa la sheegay in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray iyadoo gaariga uu marayey waaxda fooriloow ee hoostaga Degmada Kaxda.

Daqiiqado kadib dhaawacii soo gaaray gudoomiye Afrax ayaa la sheegay in uu ugeeriyooday sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa.

21-kii May 2021 oo haatan laga joogo seddex bil ayaa waxa qarax lagu dilay Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaleey marxuum C/raxmaan Axmed Garyare.

 



Source link