Qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay magaalada Jowhar





Jowhar (Allbanaadir Media) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay culus xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo dhawaqiisa si xoogan looga maqlay magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay agagaarka Hoteelada Shabelle iyo Nuur Doob ku yaallo meel aad ugu dhow xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle.

Hoteellada la bartilmaameedsaday oo ah kuwa isku dhegan ayaa waxaa deganaa xubno ka tirsan maamulka HirShabelle oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle, walow la sheegay inuu haatan ka maqnaa goobta, marka uu dhacayey qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhaawacmay ku jiro wasiirka caafimaadka maamulka HirShabelle.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen, waxayna bilaabeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii lasoo dhaafsay yare xasilnaa, walow mararka qaar ay ka dhacayeen qaraxyo nooca miinada ah ee dhulka lagu aaso.

Faah-faahinta: Kala soco Caasimada.net.



Source link