Home Warka Maanta Qarax caawa lagu weeraray mid kamid gudoomiyaasha degmooyinka Muqdisho ee ugu awooda...

Qarax caawa lagu weeraray mid kamid gudoomiyaasha degmooyinka Muqdisho ee ugu awooda badan

Bam gacmeed ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah lagu weeraray hoyga Muqdisho ka degan yahay guddoomiyaha degmada Dayniile magaalada Muqdisho caasimada Somalia Maxamed Abuukar Cali Jacfar

Waxaa deg deg goobta uga baxsaday raggii bamka ku tuuray Hoyga guddoomiye Jacfar oo ku yaalla degmada Howlwadaag gaar ahaan agagaarka dugsiga hoose dhexe ee dhagaxtuur, iyadoo qaraxa ka dib la maqlay rasaas ay fureen ilaalada gudoomiyaha.

Lama oga illaa hadda khasaaaraha ka dhashay weerarkan, sidoo kale ma cadda in Gudoomiye Jacfar uu ku sugnaa hoygiisa iyo in kale xiliga bamka lagu weerarayey, mana jiro war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay laamaha amaanka.

Xalay ayey aheyd markii rag bastoolado ku hubeysan ay isla degmada H/wadaag ku dileen askari ka tirsanaa ilaalada Gudoomiye Jacfar, iyagoo ka dibna ka qaatay qorigii uu ku hubeysnaa.