Home Warka Maanta Qalab loogu talogalay doorashada Aqalka sare oo lagu wareejiyay Jubbaland (Sawirro)

Qalab loogu talogalay doorashada Aqalka sare oo lagu wareejiyay Jubbaland (Sawirro)

Gudddiga maamulka doorasha heer dowlad goboleed SEIT Jubaland ayaa maanta xafiiska UNSOM ee Kismaayo kala wareegay qalabkii lagu qaban lahaa dooraashada Aqalka Sare.

Qalabkan lagu wareejiyay guddiga doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa loo adeegsan doonaa qabashada doorashada Xildhibaanada aqalka sare ee Kismaayo ka dhacaysa.

Guddiga dooraahada heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo aheyd 25ka bishan.

Dowlad goboleedyada dalka kuyaala ayaa dhawaan la filayaa in ay ka bilowdaan doorashada xubnaha aqalka sare inkastoo shaki la galinayo in doorashada ku dhacdo waqtigii loo qorsheeyay.

Source link