Qaar kamid ah wafdiga madaxweyne Xasan Shiikh oo Imaaraadka lagu karantiilay




Dubai (Allbanaadir Media) – Qaar ka mid ah waftigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Imaaraadka Carabta lagu geliyay karantiil.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

Waxay dadku is weydiinayeen halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay. ilo wareedyo ka agdhow madaxweynaha ayaa xaqiijiye in qaar ka mid ah wafdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka faysarka corona.

Illo wareedyadaas ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wafdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu lahaa hoggaanka Imaaraadka Carabta.

Heerka fayraska ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay 200 maalintii ilaa in ka badan 1,400 oo tiro maalinla ah uu gaaro toddobaadkan, laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen in dad yar ay u baahdeen daawaynta isbitaalka, tiro yar oo bukaanna ahna ay qabeen burukiito ama qabow.

Waxay intaasi ku dareen in maanta gelinka dambe laga yaabo in kulamadaasi ay dhacaan.

Kaddib markii uu doorashadii 15-kii May ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la arkayay safiiradda dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.



Source link