Putin oo soo gebagebeeyey booqashadii taariikhiga aheyd ee Pyongyang (Sawirro)

Posted on

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo uu ku joogay Pyongyang, isagoo ka hor inta uusan ka dhoofin kulan labo saac socday la qaatay dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim John Un.

Waxay si wadajir ah u saxiixeen heshiis iskaashi dhammeystiran oo dhigaya labada dal haddii ay la kulmaan duulaan inuu midba midka kale ku caawiyo howlgal militari iyo difaac, sida u sheegay Putin, halka Kim uu yiri; “ Shaki igama jiro in heshiiska cusub ee Ruushka aan la galnay inuu soo dedejinayo abuuritaanka duni awood badan.”

Putin, ayaa 24 sanno kaddib booqasho rasmi ah shalay ku tagay Pyongyang, halkaa oo uu ka helay soo dhaweyn roog-cas, ubaxyo, sacabka carruurta iyo dhawaqa madaafiicda lagu soo dhaweeyay ee ay rideen ciidanka Kuuriyada Waqooyiga, iyagoo wada-hadallada maanta markii ay soo dhammaadeen si wadajir ah labada hoggaamiye ugu lugeeyeen beer ku taalla Pyongyang, halka uu Putin guddoonsiiyay isagoo waliba waddooyinka Pyongyang ku ka xeeyay gaariga raaxada ee Ruushka uu soo saaro ee Aurus iyo qalab lagu kariyo shaaha iyo kafeyga.

Putin ayaa sidoo kale booqday goobaha muhiimka ah, isagoo Kim ku ammaanay taageerrada Ruushka uu ku siiyay dagaalka Ukraine iyo martigelinta Carruurta askarta Ruushka uga dhimatay dagaalka Ukraine oo la geyn doono Pyongyang.

Hoggaamiyaha Ruushka wuxuu sheegay in waddan kastaa uu ogolaaday inuu ka caawiyo kan kale sidii looga hortagi lahaa gardarrada dibadda.\

Chad O’Carroll, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Waqooyiga Kuuriya oo ka tirsan NK News, ayaa ku sheegay barta X in qodobkan uu furi karo albaabka iskaashiga oo ay ku jiraan suurtagalnimada in askarta Waqooyiga Kuuriya ay ku caawiyaan Ruushka dagaalka Ukraine.

Victor Cha, oo ah Guddoomiyaha Kuuriya ee Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah, ayaa sheegay in heshiisku uu ka dhigan yahay cusbooneysiinta dammaanad-qaadyada amniga oo u dhigma kuwii xilligii dagaalkii qaboobaa.

Source link