Home Warka Maanta Premier League Oo Sharaxay Sababtii Arsenal Loogu Dhigi Waayay Rikoodhe Kulankii Burnley....

Premier League Oo Sharaxay Sababtii Arsenal Loogu Dhigi Waayay Rikoodhe Kulankii Burnley. – Allbanaadir Media

Premier League ayaa sheegay in Arsenal laga diiday Rikoodhada kulankii Burnley sabab la xidhiidha in xiddiga Erik Pieters uu aad ugu dhawaa Nicolas Pepe.

Gunners ayaa bar-baro la gashay kooxda Burnley inkasta oo ay goolka ku hor mareen daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta.

Xiddigaha Arsenal ayaa daqiiqadii  75-aad ku murmay in rikoodhe laga diiday kadib markii uu xiddiga Pieters gacanta ku taabtay kubad uu haystay xiddiga Pepe.

Bartamihii todobaadka kooxda Fulham ayay sidaas ku dhacday laakiin VAR ayaa soo dhex gashay waliba diiday Gool ay Fulham dhalisay kadib markii ay gacanta kaga dhacday xiddig Fulham ahaa.

“Kubada ku dhacday gacanta Erik waxa ay ahayd mid aad u dhaw xiddiguna wax wakhti ah uma hayn oo uu gacantiisa ku fogeeyo”ayuu Premier League warbixin ku soosaaray.

“Sidaas darteed VAR uma malayn in ay tahay khalad cadaan ah sidaas darteed rikoodhe uma dhigin Arsenal”.

Source link