Home Muuqaalo Ogow 3 Qodob oo Soomaaliya ka Caawin Kara ku Guulaysiga Dacwadda Badda

Ogow 3 Qodob oo Soomaaliya ka Caawin Kara ku Guulaysiga Dacwadda Badda

Feb 02, 2018: – Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska, ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

June 25, Maxkamada ICJ ayaa mudeeysay in 9ka ilaa 13ka bisha September, 2019 doodda labada dhinac ee xuduuda badda, laakiin Kenya ayaa codsatay in 1 sano dib loo dhigo. Waxaana ay maxkamadu go’aan ku gaartay in muddo 2 bil ah dib loo dhigo.

October 16, 2019 Maxkamada ayaa mar kale mudeysay in ay dacwadda dhagaysan doonto 8da june 2020, laakiin Kenya ayaa mar kale codsatay muddo aan la cayimin in dib loo dhigo sababo la xariira covid 19. Maxkamadda ayaa dib u dhigtay dacwadda ilaa 15 march 2020.

March 10, 2021 Maxkamada ICJ ayaa soo saartay Jadwalka dacwada, iyada oo ka kooban laba wareeg, laakiin dowladda Kenya ayaa ku adkaysatay inaysan diyaar u aheyn inay ka qeyb gasho dacwadda oo dhagaysigeedu ka harsanaa 24 saacadood oo kaliya

March 15 Maxkamada ICJ ayaa bilowday dhagaysiga dacwadda badda iyada oo Kenya ay ka maqantahay.

Hadaba waxaa jiro 3 qodob oo muhiim ah kuwaas oo So0maaliya u horseedi kara inay kaga guuleysato Kenya dacwadda taalla maxkamadda kuwaas oo kala ah:-

  1. Xeerarka Caalamiga ee Badaha oo Taageeraya Dooda Soomaaliya

Waxay u muuqataa in Maxkamadda cadaalada xadka ay Kenya sheeganayso ay siin doonto Soomaaliya, Halkaana ay qareennada matala Soomaaliya ay ku caddeeyaan qaladaadka Kenya, Maadaama sida ugu caansan oo laba wadan xadka Badda u dhaxeeya oo ay ku qayb sadaan waxaa la yiraa “ equidistant Line “ oo ah xariijinta kala qaybisa laba dal oo si isla eg ugu dhaxeeya ama fogaantiisu isla egtahay, Waxaana la isticmaalaa haddii wadamada iska soo horjeedaan ama hadii ay xad dhuleed leeyihiin sida keenya iyo Soomaaliya oo kale.

Hadaba xariijintaas sida isla egta ah ayay rabtaa dawladda Soomaaliya in la isticmaalo marka la sameynayo xad Badeedka labada wada, Kenya waxay rabtaa in xariiqda dhinaca Bari mid u socoto laga dhigo xadka badda labada wadan u dhaxeeya

Xeerka Badda ee Qarmada Midoobey ayaa waxa uu dhigayaa in “xadka Badda u dhaxeeya labo wadan haddii aysan ku heshiin in lagu go’aamiyo khad ama xarriiq isku in u jirta labada dawladood, ama waxa loo yaqaano” ʺ equidisante Lineʺ.
Halkaas ayaa waxay qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwada ay ku muujin karaan ama ay ku doodi karaan in xeerkaas uu libinta siinayo Soomaaliya.

  1. Aqoonta iyo Khibrada sare oo ay leeyihiin qareenada caalamiga ah ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda kiiska muranka badda

Soomaaliya waxa ay qabsatay qareeno heer caalami ah oo leh aqoon xeeldheer oo ku saabsan sharciyada caalamiga ah ee badaha lehne khibrad sare oo ku saabsan dacwadaha badahaha ee dalalka caalamka soo dhex maray oo ay ka soo qeyb galeen wadamo fara badan dacwadahooda isla markaasna ay guul u soo hoyeen. Qareenadaas waxaa ka mid ah:-

Prof. Philippe Sands, oo ay da’diisu tahay 60 sano waa qareen British-French ah oo ka tirsan garyaqaannada caanka ah ee dunida. Waxa uu ka soo qalin jabiyay jaamacadda Harvard qeybteeda sharciga. Prof. Sands waxa uu macalin ka yahay jaamacadda London iyo sido kale jaamacado kale oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka, UK Canada, Faransiiska iyo Australia. Waxa uu horey isaga oo dhinacyo kala duwan matalaya qareen uga soo noqday oo uu hortagay maxkamada ICJ, maxkamada cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC. Prof. Philippe Sands waxaa uu horey u qoray buugaag uu ka diyaariyay shuruucda caalamiga ah.

Mr Paul S Reichler waa garyaqaan khabiir ah oo u dhashay dalka Mareykanka. Waxa uu aqoon dheer oo takhasus ah u leeyahay sharciyada la xiriira muranka xadka badda. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay ururka ay ku bahoobeen garsooreyaasha ka howl gala maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka. Mr Reichler waxa uu kasoo qalin jabiyay kulliyadda cilmiga sharciga lagu barto eeJaamacadda Harvard. Wuxuu si fasiix ah ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish-ka.

Gar yaqaan Prof. Alain Pellet Waa qareen 72 jir ah, oo u dhashay dalka Faransiiska islamarkaana muddo dheer ku jiray xirfadda shuruucda caalamiga ah. Mr Pellet ayaa waxa uu culuumta sharciga ka bartay Jaamacad ku taalla magaalada Paris oo lagu magacaabo de Paris Ouest – Nanterre La Défense,. Prof. Alain Pellet ayaa sidoo kale horey la taliye dhanka sharciga ah ugu soo noqday dowladda Faransiiska.

Garyaqaan Alina waa macallimad wax ka dhigta jaamacadda Angers ee dalka Faransiiska, oo ah waddanka ay kasoo jeeddo. Waxay horay iyada oo qareen ah u hor tagtay maxakamadaha ICJ iyo ITLOS. Waxay hadda ka mid tahay qareennada khibradda leh ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee hor taalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Magaceeda waxaa lagu xusay bayaanka maxkamadda, shalayna waxay ka mid ahayd qareennadii hadlay.

 Mr Craven – oo u dhashay dalka Ingiriiska – waa qareen caalami ah oo ku takhasusay noocyada kala duwan ee shuruucda caalamiga ah. Arrimaha uu ku xeel dheer yahay waxaa ka mid ah shuruucda caalamiga, shuruucda dib u soo celinta hantida, shuruucda deegaanka, shuruucda saxaafadda, shuruucda ganacsiga iyo shuruucda la xiriira dambiyada.

  1. Kalsooni La’aanta Kenya ee Dacwadda Badda

Kenya oo ku doodaysa in muranka badda (Maritime dispute) ee kala dhaxeeya soomaaliya in loo wajaho habka ah in xariijinta xadeynta badda loo leexiyo dhinaca bari ee bad-weynta India taas oo hadii ay dhacdo Soomaaliya ay ku weyn karto dhul badeed baaxadiisu dhantahay 100,000km oo isku wareeg ah oo ah aagga dhaqaalaha (Economic Zone). Halka So0maaliya ay ku doodayso in xariiqda xadeynta badda laga dhigo mid isla eg ah equidistant Line, sida ku cad xeerka xadeynta badaha ee Qaramada Midoobay taas oo fursad u siin karta Soomaaliya inay guul ka gaarto dacwadda.

Kenya waxa ay dhowr jeer dalbatay in dib loo dhigo dacwadda badda taas oo u muuqata in Kenya ay ogtahay in looga guuleysanayo dacwadda una socota sheekada ah “ Hal libaax arkaysaa ma godlato”. Waxay sidoo kale dhowr jeer soo gudbisay marmarsiimo aan shaqayn taas oo ugu dambayn ku qasabtay in gabi ahaanba iskaga baxdo dacwadda badda, iyada oo ku andacoonaysa marmarsiiyo badan oo is burinaya ilaa ugu dambayn ay ku andacootay in maxkamadda aysan kiiska si cadaalad ah u qaadi Karin maadaama ay sheegtay in guddoonka sare ee maxkamadda uu asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya taas oo u muuqato “Nin daad qaaday xunbo cuskay”.

Hadaba marka la isku soo duuduubo arimahaas oo dhan waxay Soomaaliya ka dhigayaan mid haysata kalsooni xooggan oo dhinac walbo leh taas oo keeni karta inay ku guuleysto dacwadda, isla markaasna ay hesho dhul badeedka ay Kenya muranka galisay ee ay xaqqa u leedahay.

Ugu dambeyn waxaa bogaadin mudan wafdiga Somaaliyeed ee halkaa ku sugan waxayna waddanka u soo hoyn doonaan guul taariikhi ah oo ay ku mutaysan doonaan inay Taariikhda baal dahab ah ka gaalaan hadii alle idmo.

W/Q Abdullahi Hassan Sheikh Ali

Senior Lecturer and Historical Events Analyst

Mogadishu-Somalia

xaaf120@gmail.com