Ninkii Shabaab u sameyn jiray gawaarida qaraxyda oo usoo gacan galay NISA

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay sameeyeen ciidamada NISA lagu soo xiray Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in ninkan uu halis ahaa, isla-markaana uu kooxda u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka ay u adeegsadaan qaraxyada.

Hay’adda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Cabdinaasir uu  cillad-bixiyay illaa 9 gaari oo qaraxyo loo adeegsaday, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan.

Si gaar ah ninkan ayaa waxaa loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarkii hotel SYL oo loo adeegsaday gaari noociisu yahay Harrier oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo hadda xukunsane ah, sida ay shaacisay hay’adda Nabad-sugidda Qaranka.

“Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA

Soo qabashadan ninkan waxaa ka horreeyay laba xubnood oo kale oo maalin ka hor lagu qabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa isbitaallada, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed iyo Keyse Faarax Xasan (Axmed yare).

NISA ayaa sidoo kale todobaadkii hore gacanta kusoo dhigtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.



Source link