Nin Soomaali ah oo Mareykanka uu dil-dhigay hal milyan oo lagu qabtay Kenya





Nairobi (Allbanaadir Media) – Ciidamada Booliska Kenya ayaa gacanta ku soo dhigay Cabdi Xuseen Axmed (Abuu Khaadi) oo ah nin Soomaali ah, kaas oo uu muddo raadinayey Mareykanka.

Waaxda dambi-baarista ee dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa sheegay un Cabdi oo baxsad ahaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada la dagaallanka dambiyada halista ah, kadib xog ay ka heleen halka uu ku sugan yahay.

Sidoo kale laanta dambi-baariska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan xilliga lasoo qabanayey uu qorsheynayey inuu u socdaalo ama usii gudbo dhanka Soomaaliya.

Ninkaan ayaa waxaa horey lacag dhan hal milyan oo Dollar madaxiisa u dul-dhigtay dowladda Mareykanka, lacagaas oo loo ballan-qaada cid kasta oo keenta xogtiisa.

Sidoo kale waxay soo qabashadiisa timid, kadib markii laba bil kahor lasoo qabtay kale oo ay isla shaqysanayeen oo la yiraahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo la qabtay 31-kii bishii May ee sanadkan 2022-ka.

Abuu Khaadi ayaa loo haystaa eedeymo waa weyn oo ay ka mid yihiin kal gudbinta daroogada iyo xayawaan duur joog ah, sida lagu sheegay bayan kasoo baxay DCI.

Cabdi Xuseen Axmed ayaa wajihi doono ciqaab adag oo xabsi ah, haddii lagu helo dambigan, ayadoo Kenya ay ku wareejineyso Mareykanka oo uu muddo ka baxsanayey.



Source link