Nin Soomaali ah oo dabaq dheer oo kuyaalla dalka Mareykanka iska soo tuuray

Posted on

Magaalada Minneapols ee gobolka Minnesota waxaa ku geeriyooday nin Soomaali ah, kaddib markii uu ninkan la sheegay in uu iska soo tuuray dabaq aad u dheer oo ku yaalla  xaafadda Cedar Riverside .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninkan dabaqa iska soo tuuray Cabdicasiis uu iska soo tuuray dabaq 22-biyaano ah , waxaan inta uusan dhulka gaarin ka hor uu ku dhacay meel darbi ah, taasoo keentay inuu laba cad u kala go’o.

Ninka dabaqa iska soo tuuray ayaa la sheegay in uu qabay xanuun dhinaca maskaxda ah, waxaana geerida ninkan si weyn uga naxay ehelada iyo dadka Soomaaliyeed ee kunool magaalada falkan uu ka dhacay.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo qabay xanuuno iyo kuwa iyana isku buuq ku furmay ayaa nolosha is dhaafiyay, kuwaa oo iska soo tuuray dabaqyo dhaadheer iyo kuwa kale oo iyana xaalado kale isku dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link