Home Warka Maanta Natiijo Walba Waa Mid U Fiican Barcelona Kulanka Madrid Derby. – Allbanaadir...

Natiijo Walba Waa Mid U Fiican Barcelona Kulanka Madrid Derby. – Allbanaadir Media

Tababaraah kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ka hadlay kulanka Madrid Derby ee maanta dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Osasuan kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ka hor kulanka Madrid Derby ee Maanta.

Atletico Madrid ayaa hogaaminaysa horyaalka Iyaga oo leh 58 dhibcood waxana ay Barcelona haatan leedahay 56 dhibcood halka ay Real Madrid leedahay 53 dhibcood.

Ronaldo Koeman oo kadib ciyaartii Osasuna wax laga waydiiyay natiijada Madrid Derby ayaa yidhi”Wali waxa jira dhibco badan”.

“Waxa muhiim ah in aan badanio kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedka si aan ugu dhawaano Atletico Madrid”.

“Kulanka Madrid Derby waan daawan doonaa sidaas darteed koox walba oo dhibco Lumiso waxa ay u fiicantahay Barcelona”ayuu sii raaciyay.

Source link