Natiijada imtixaanka dugsiga sare oo la shaaciyey + 10 arday ee ugu sarreysa




mogadishu (Allbanaadir Media) – Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2021 illaa 2022-ka.

Imtixaankan oo ahaa mid qaran ayaa waxaa u fariisatay illaa 33,468 oo arday, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, waxaana munaasabadda ku dhowaaqista goobjoog ahaa wasiirka cusub ee wasaaraddaas Faarax Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada  ayaa warbixinteeda ku shaacisay inay jiraan illaa 1,001 Arday oo aan u fariisan imtixaanaadka, ama aan gelin.

Natiijada ayaa sidoo kale lagu sheegay in ardayda baastay ay gaarayaan illaa 32,325 arday oo u dhiganta 97%, tiradaas oo aad uga badan markii la barbar-dhigo tii sanadkii hore.

Waxay sidoo kale wasaaraddu natiijada ay shaacisay ku sheegtay inay imtixaankaan ay ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%, waana tiro iyana aad uga hooseysa ardayda sanadkii la soo dhaafay ku dhacday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Kun ka mid ah ardayda dhacday ayaa imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen maamul goboleedyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada 10-ka arday ee ugu sarreeya natiijada la shaaciyey imtixaanka dugsiga sare.

1-Khaalid Cabdullaahi Maxamuud Nuur           Gobolka Banaadir

2-Xuseen Axmed Xasan                                 Gobolka Banaadir

3-Faadumo Ibraahim Cabdullaahi                   Gobolka Banaadir

4-Shukri Faarax Ibraahim                                HirShabelle

5-Huda Cabdullaahi Cabdi                            Gobolka Banaadir

6-Cabdirisaaq Maxamed Cumar                    Koonfur Galbeed

7-Naciimo Axmed Maxamed                        Gobolka Banaadir

8-Maxamed Cabdiweli Maxamed                  Jubbaland

9-Axmed Cabdiraxmaan Axmed                 Galmudug

10-Maxamuud Xasan Cali                        Gobolka Banaadir



Source link