Nabadoon Xaad: afar bilood ayaan dhuumaaleysanayey kadib dil laygu xukumay




mogadishu (Allbanaadir Media) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Dalsan TV wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan xaaladda dalka & marxaladihii adkaa ee la soo maray.

Nabadoon Xaad ayaa wareysiga uu bixiyey kaga hadlay dhacdooyin cajiib oo uu la kulmay intii lagu jiray marxaladihii isbed-bedelka badnaa ee ay soo martay dowladda federaalka.

Xaad ayaa ka sheekeeyey qiso isaga ku dhacday xilli dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ay dagaal la galeen, isaga iyo ciidamadii Itoobiya.

Nabdoonka ayaa shaaca ka qaaday in 2007-dii golaha amniga dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ay shir isugu yimaadeen, kadibna ay dil ku xukumeen isaga iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, kadib markii ay horyimaadeen nidaamkii xilligaas, wuxuuna tilmaamay in loo aqoonsaday dambiileyaal, kadibna uu muddo 4 bilood ah ku dhuumaaleysayey Xamar.

“Waa la’ii xukumay waxaa fariistay golihii la dhihi jiray ammaanka ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ugu horreeyey oo xittaa Gabre ka ahaa hormuudka, Maxamed Dheere ku jiray Allaha u naxariistee, Cabdi Qaybdiid ku jiray, Darwiish ku jiray raggaas ayaa fariistay way na xukumeen, waxaa la yiri Odayaasha Hawiye isku sheega waa dambiileyaal guddoomiyaha hala dilo, inta kalena hala soo xiro ayey dheheen. Aniga waa cararay marka afar bilood waxaa ku dhuumanaayey magaaladaan mogadishu, meelna ugama bixin warkeyga iyo shaqadeydana waa watay, saas ayaana ku badbaaday,” ayuu yiri Xaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii dambe uu soo bad-baadiyey ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde, isaga oo tilmaamay inuu mar walbo u duceeyo, maadaama uu soo caawiyey, isaga iyo AUN Nabadoon Axmed Diiriye oo uu isna ka soo daayey xasbiga Baydhabo.

“Inaan soo badbaado amaanteeda waxaa iska leh Nuur Cadde Allaha u naxariistee, isagaa i caawiyey, Axmed Diiriye isagaa kasoo daayey xabsiga Baydhabo, aniga isaga ayaa iga soo saaray dhuumashada aan ku jiray odayaasha intooda kalena isagaa cafiska siiyey,” ayuu markale hadalkiisa raaciyey Nabadoonka Maxamed Xasan Xaad oo u warramay Dalsan TV.



Source link