Muxuu Xasan Sheekh ka sheegay caleema-saarka WILLIAM RUTO? + Sawirro




mogadishu (Allbanaadir Media ) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi kaga qeyb-galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Mudane William Samoei Ruto.

Xasan Sheekh ayaa kamid ah wafuud heer caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda caleemo-saarka, ayada oo ku wehlinayeen madaxweynaha wafdi ay kamid yihiin Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada iyo Wasiirada Wasaarada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si looga adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna-yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kamid ahaa madax goob joog u aheyd dhaarinta madaxweynaha cusub ee Kenya, William Ruto oo noqonaya madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya.

William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa sidoo kale isna maanta xilka loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.

Ruto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa waxa sugaya shaqooyin ay kamid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabashada sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo sugidda amniga, ayada oo Kenya ay marar badan ka dhaceen weeraro ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.



Source link