Home Xogta Dahsoon Muxuu Farmaajo ugu dhegan yahay qaadka Itoobiya, una diidan yahay midka Kenya?

Muxuu Farmaajo ugu dhegan yahay qaadka Itoobiya, una diidan yahay midka Kenya?

Soomaaliya ayaa gashay qalalaase siyaasadeed oo kaga yimid meel aan la fileyn oo ah; qaadka dalka la keeno, kadib markii ay isku qabteen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Haddii aan isku dayno inaan soo koobno; dooddu waxay tahay Farmaajo oo leh “qaadka Kenya waa xaaraan, kan Itoobiyana waa xalaal” iyo Rooble oo leh “qaad waa qaad”.

Hase yeeshee, doodda waa ay ka weyn tahay qaad, waxayna salka ku haysaa dano shaqsi, kuwa qoys, iyo kursi siyaasadeed.

Qaadka Kenya oo markii ugu horreysay Soomaaliya laga joojiyey bishii March 2020, waxaa loogu soo ganbaday cudurka Coronavirus oo markaas dalka ka qarxay, taasi oo aan dhalin wax su’aalo iyo tuhun ah.

Hase yeeshee, markii toddobaadyo kadib laga war helay in qaadka Itoobiya dalka yimaado, ayaa su’aalo badan ay dhasheen, ayada oo shacabka ay billaabeen inay is-weydiiyaan farqiga u dhaxeeya labada qaad.

Kooxda Farmaajo ayaa kadib billaabay olole warbaahineed, oo lacag badan lagu bixiyey, ayada oo la gaday sheeko ah “in Kenya naagal dhaxeeyo dagaal siyaasadeed iyo muran badeed, oo joojinta qaadkoodu yahay mid dagaalkaas qeyb ka ah.”

Hase yeeshee, waxaa durba soo baxday in sababta markii horeba qaadka Kenya loo xayiray aysan shaqo ku laheyn cudurka Coronavirus iyo xiisadda ka dhex-oogan Kenya iyo Soomaaliya, balse ay aheyd dano shaqsi, kuwa qoys iyo kuwa doorasho.

Qaadka Itoobiya ayaa waxaa heshiis kusoo galay xubno ka tirsan qoyska Farmaajo si ay dalka u keenaan, waxaana la xayiray midka Kenya, maadaama kan Kenya uu yahay kan Soomaalida ay jeceshahay, oo haddii uu dalka sii yimaado aanay jirin cid iibsaneysa midka Itoobiya.

Waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya la keeno 30 tan oo qaadka Itoobiya ah maalin kasta, ayada oo saamiga ugu badan ay leeyihiin qoyska Farmaajo, balse ay jiraan ganacsato kooban oo reer Muqdisho oo ku leh saami kooban, kuwaas oo ah wejiga ganacsiga, halka xubnaha qoyska Farmaajo ay yihiin kuwa ka dambeeya.

Qaadka oo laga sameeyo malaayin dollar, ayaa la rumeysan yahay in sanadkii uu xirnaa qaadka Kenya ay lacag badan uga soo xarootay qoyska Farmaajo, ayna ku adag tahay inay aqbalaan in qaadka Kenya dib loo furo, taasi oo ganacsigooda meesha ka saari karta.

Ka sokow, danta ganacsi, qaadka Itoobiya laga keeno wuxuu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha dib u doorasho ee madaxweyne Farmaajo, ayada oo lacagta kasoo xaroota qeyb ka mid ah loo dhigayey ololihiisa doorasho, sanadkii tegay.

Tani waa sababta ay Farmaajo uga go’an tahay inuusan ka gorgortamin dib u furitaanka qaadka Kenya, oo ganacsiga qoyskiisa ee qaadka Itoobiya soo geba-gebeyn karta.

Dhinaca kale, tan iyo markii laga war helay in qaadka Itoobiya loo xiray qoyska Farmaajo, waxaa jiray cadaadis xooggan iyo qeylo dhaan ay wadeen ganacsatadii qaadka ka keeni jiray Kenya, oo caddaalad darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn go’aansaday in qaadka Kenya dib loo furo, haddii dalka oo idil aan laga wada joojineyn qaadka, waxayna tani horseeday dagaal siyaasadeed ka dhex qarxay isaga iyo Rooble.

Farmaajo ayaa isku dayey inuu horistaago qorshaha Rooble, isaga oo wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.

Rooble ayaa ku gacan seeray wareegtada Farmaajo isaga oo sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka.

 

Source link