Home Warka Maanta Muxuu Farmaajo ka dhahay dilkii ikraan tahliil (Aqriso)

Muxuu Farmaajo ka dhahay dilkii ikraan tahliil (Aqriso)

Dilka Allah ha u naxariistee ikraan Tahliil Faarax, wuxuu abuuray argagax, diidmo, iyo caro xooggan oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujiyeen.

Hay’adda NISA, oo Ikraan ay ka tirsaneyn, waxay afduubka iyo dilkeeda ku eedeysay Al-Shabaab, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa durba iska fogeysay, ayada oo sheegtay inay eedaas “ula yaabtay si la mid ah shacabka kale ee Soomaalida.”

Siyaasiyiin badan oo ka hadlay dilka, oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Caynte, Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sanbalooshe, Cumar Cabdirashiid, Taabit Cabdi iyo kuwa kale, waxay falcelintooda, inkasta oo qoraal ahaan ay kala duwaneyd, ay laheyd hal macno, waxayna ku dalbadeenin  ra’iisul wasaare Roobleuu tallaabo qaado.

Waxaa la mid ahaa shacabka Soomaalida badankood, oo u kuur gelid ay sameysay Caasimada Online, ay ku ogaatay inay badankood dalbanayeen in Rooble uu tallaabo ka qaado dadka lagu tuhmayo kiiskan, oo Ikraan ay caddaalad hesho.

Aaway Farmaajo?

Baaqyada ku socda Rooble waxay nagu dhalisay su’aal ah, maxaa loo waayey cid baaq u direysa Farmaajo, oo ka codsaneysa inuu wax ka qabto xaaladdan?

Baaqyada ku socda Rooble, waxay macno weyn ka bixinayaan halka uu maanta Farmaajo ka taagan yahay Soomaaliya, sumcad ahaan iyo sharciyad ahaan; haddii uu dareensan yahay iyo haddii kaleba.

Dadka dalbanaya inay caddaalad hesho Ikraan, ee dhinaca maraya Farmaajo una qeylinaya Rooble, waxay Farmaajo u dirayaan farriin laba macno leh; 1- iInuusan sharciyad madaxweyne haysan, 2- Haddii uu haysatana aysan ku kalsooneyn inuu caddaalad fali karo.

Sharciyadda Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin inuu kursiga ku fadhiyo sharci-darro, oo ay tahay inaan waxba laga weydiin masiirka umadda iyo dalka.

Famaajo kahor, waxaa jiray madaxweynayaal waqtigooda dhammaaday, sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif haddana marnaba aan sharciyaddooda dood la gelin, sababtuna waa inaysan isku dayin muddo kororsi, islamarkaana jallaafo kasta oo ay awoodaan u dhigin in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida ka duwan Farmaajo.

Waa taas sababta ay u rumeysan yihiin in Farmaajo uu kursi un ku fadhiyo, balse aanu dalka maamulin, oo Rooble iyo xukuumaddiisa ay haystaan sharciyadda xil-gaarsiinta, illaa inta madaxweyne kale laga dooranayo.

Tacaddiyada Farmaajo

Qeyb kale oo shacabka a ka mid ah ayaa Farmaajo u muujinaya in xitaa haddii ay rumeysan yihiin inuu sharciyad haysto, aysan aaminsaneyn inuu caddaalad fali karo, ama qaado karo wax tallaabo ah oo ka dhan dadka lagu tuhmayo dilka Ikraan.

Farmaajo intii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, waxaa dhacay tacaddiyo badan oo loo gaystay dad shacab ama siyaasiyiin ah, sida dhiibistii Qalbi-Dhagax, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, xasuuqii shacabka Baydhaba, iyo askartii la geeyey Eritrea ee weli la’yahay, qaarkoodna la xaqiijiyey in la dilay.

Dhammaan tacaddiyadan waxay si toos ah ugu dhammaadeen Farmaajo, waana taas sababta aysan maanta u jirin cid soo hadal qaadeysa Farmaajo, ama caddaalad uga dalbeysa marxuumad Ikraan Tahliil.

Afar sano kadib markii Farmaajo la doortay, oo shacbiyadda uu helay ay aheyd mid aan horey loo arag, wuxuu maanta taagan yahay maqam loo arko inuu ahaa madaxweynihii ugu tacaddiyada badnaa uguna xukunka xumaa ee dalka uu arko 30 sano kadib.

Waxaa dhimatay sumcaddiisa, wuxuuna marayaa heer, xitaa aan lasoo hadal qaadin, xilli kiis xasaasi ah oo noociisa aan dalka lagu arag uu taagan yahay.

Farmaajo waa kaas.