Muxuu CC Sharmaa’arke ka yiri muddo kororsiga A/MADOOBE iyo aamusnaanta DF?




mogadishu (Allbanaadir Media) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore si weyn uga horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe, wuxuuna shaaca ka qaaday in hadda ay taagan tahay eed ah inuu wax ku qaban waayey muddo dheer oo uu xafiiska joogo, isaga oo ah  madaxweynaha Jubbaland.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in muddo kororsiga uu sidiisaba lid ku tahay dimuquraadiyadda, wuxuuna tilmaamay in marna aan la ogolaan.

“Ninka fakirka keenayo ee leh waxbaan ku darsanayaa waa nin aan dimuquraaddiyad ka shaqeyneynin, waana inaan marna laga ogolaan aniga hadda waa ka hadlay markii Jubbaland ay tiri waan ku darsanay,” ayuu wareysigaana ku yiri, ra’iisul wasaarihii hore.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday aamusnaanta dowladda dhexe, kadib tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe, isaga oo tilmaamay inay tahay arrin qatar ah.

“Dowladda federaalku haddii aysan ka hadlin waxa ka dhacaya dowlad goboleedyada, Moral Authority-geeda ayaa lumaya. Haddii aysan tan Jubbaland ka hadlin, haddii Galmudug tiraahdo waan ku darsanay, ama Puntland tiraahdo waan ku darsanay, dowladdu hadhow way ku qaldan tahay inay tiraahdo waan diidnay,” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Jiritaankeenna aniga waxaan aaminsanahay inay ku xiran tahay inaan saxno waxyaabaha aan ku kala tageyno oo dhan,”.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xiisad siyaasadeed oo xoogan ay ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Axmed Madoobe oo ay dhowaan hal sano oo dheeraad ah ugu dareen xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.



Source link