Home Xogta Dahsoon Milateriga Somalia oo shaaciyey iney howlgal ku dileen Shabaabkii ugu badnaa (Sawirro)

Milateriga Somalia oo shaaciyey iney howlgal ku dileen Shabaabkii ugu badnaa (Sawirro)

Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan Ururka 80-aad ee Qeybta 27-aad ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

howlgalkan ayaa sababay dagaal labada dhinac ku dhexmaray degaano ku yaalla duleedka degmada Buulo-Burde, sida degaanka Ceel-bacaad, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen inay guulo ka gaareen dagaalka.

Taliyaha Qeybta 27-aad Ciidamada Xooga Dalka Jeneral Axmed Maxamed Calasow Treedisho oo howlgalka hogaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay  in howlgalka lagu dilay 31 ka mid ah Al-Shabaab

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka ay Al-Shabaab uga soo furteen  14-qori oo AK-47 ah 1-qori BKM ah iyo 1-qoriga RPG ah, sidoo kalena ay weli Ciidamada howlgalka ka wadaan degaannada hoostaga degmada Buulo-burde.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada saraakiisha ciidamada DF, Al-shabaab dhinacoodana wax war ah kama soo saarin dagaalkan.

Source link