Mike Nithavrianaki oo safar shaqo ku tagay Hargeysa lana kulmay Madaxweyne Biixi (Sawirro)

Posted on

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska u jooga Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku tagay magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay qodobbo dhoor ah oo ay ka mid ahaayeen dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan dawlada Ingiriiska iyo Somaliland iyo hawlaha qabsoomidda doorashooyinka ee la filayo inay sannadkan qabsoomaan oo xukuumaddu dedaal badan gelisay.

Madaxweynaha  Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa safiirka dawladda ingiriiska uga mahadceliyey, xidhiidhka sida ay muhiimadda u siiso mashaariicda labada dhinac gacanta ku hayaan, safiirkuna dhankiisa waxa uu madaxweynaha uga mahadnaqay hirgelinta Dimuqraaddiyadda iyo horumarka dawladnimo.

Kulanka ka dhacay qasriga Madaxtooyada Hargeysa waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link