Home Warka Maanta Midowga Yurub oo hanjabaad u diray madaxweyne Farmajo & madaxda dowlad goboleedyada.

Midowga Yurub oo hanjabaad u diray madaxweyne Farmajo & madaxda dowlad goboleedyada.

Allbanaadir Media (MUQDISHO)-Midowga Yurub ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu hanjabaad culus ugu diray madaxda Soomaalida gaar ahaan xubnaha laga sugayo inay heshiis rasmi ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

War saxaafadeed xalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaazul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ki September.

Midowga Yurub ayaa sheegay, in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hogaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahanyihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ixtiraamaan mas’uuliyadda ka saran shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

War qoraal ah oo ka soo  baxay xafiiska Midowga Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha siyaasadeed ay naftooda ceebeeyaan si ay u matallaan muwaadiniintooda, marka ay danahooda shakhsiyadeed ka hormariyaan danta guud.

“Kuwa wiiqaya wadahadalka ama miciin bida in ay adeegsadaan qalalaaso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo, waxaya wajahi doonaan cawaaqib ku aadan ficilladooda.” Ayuu lagu yiri warka Talaadadi shalay kasoo baxay Midowga Yurub.

Madaxda Soomaaliya ayaanan wali heshiis ka gaarin doorashada baarlamaaniga iyo tan madaxtinimada, kaddib marki uu bishi Febraayo ee sannadkaan dhamaaday, mudda xileedki madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo.



Source link