MD Cali guudlaawe oo maanta la kulmay beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax





Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan la qaatay Nabadoonada Waxgaradka iyo Cuqaasha beesha Gaaljecel.

Madaxweynaha waxaa kulankaan ku wehliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana looga hadlay sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen beesha iyo dowladda la iskana kaashan lahaayen nabada Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka beeshaan dooorkii muuqda ay ku lahaayeen aas aaska Dowladda Hirshabeelle iyo garab istaaga muuqda ay la garab joogaan Hirshabeelle, waxa uuna balan qaaday inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Dowladda Hirshabeelle, waxa uuna kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan amaanka iyo xasilinta Magaalada Beledweyne.




Source link