Home Warka Maanta Maxey tahay warbixinta cusub ee guddiga dib u heshiisiinta ee Gobalka Gedo...

Maxey tahay warbixinta cusub ee guddiga dib u heshiisiinta ee Gobalka Gedo ay gudbiyeen?




Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubbaland kulan ku yeeshay Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo, ayaa  kulan la qaatay salaadiinta, Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka.

Guddiga ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyay odayaasha dhaqanka safarkooda ay ku yimaadeen magaalada Kismaayo iyaga oo sidoo kale odayaasha uga warbixiyay waxyaabihii ay kuso arkeen magaalada Garbahaarrey.

Odayaasha dhaqanka oo uu hormuud u yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow ayaa guddiga uga warbixiyay xaaladda guud ee Jubbaland gaar ahaana xaaladda gobolka Gedo, Waxayna guddiga siyeen xogta iyo xaqiiqada rasmiga ah ee ay ka hayaan gobolka Gedo iyaga oo xusay in odayaashu intooda badan aysan tegi karin gobolka sababo amni la xiriirta.

War saxaafadeed xalay ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay iney khilaafyada doorashada ay taagan iney kamid tahay arrinta gobalka Gedo oo wax xal ah aan laga gaarin.

Maamulka Axmad Madoobe ayaa ka dhur sugaya kulamada wafdi heeer wasiiro ah oo loo saaray arrinta gobalka Gedo waxaana muuqata in wax walba aysan ku socon sidii uu rabay Axmad Madoobe.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu waa weyn ee khilaafka doorasho ee dalka ka taagan yahay islamarkaana uu aad u daneynayo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday.

Muqdisho-Somalia                              





Source link