Maxay tahay lacagta Soomaaliya uu ka rabo ururka EAC inay ku bixiso 12 bil gudahood?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Bishan July waxaa bilowday sanad dhaqaaleedka ururka bulshada bariga Afrika ee ay dhawaan xubin ka noqotay Soomaaliya, waxaana dhaman wadamada xubnaha ka ah ay bixiyaan lacago luugu talagalay in lagu guto waajibaadka ururka.

Soomaaliya oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka ayaa laga doonayaa in uu bixiyo lacag dhan 7.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo ah lacag ay bixiyaan dhamaan wadamada xubaha ka ah, sida uu BBC da u sheegay Cabdisalaan Hadliye, oo ah Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ururka bulshada bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa waxaa looga baahan yahay in ay ku bixiso lacagtaas muddo 12 bilood gudahood ah, oo ka bilaabaneysa kowda bisha July ee sanadkaan, sida uu sheegay Hadliye.

Arrintaan ayaa ka dhigan in dakhliga sanadlaha ah ee dallada bulshada bariga Afrika ay ku korortay 7.8 milyan oo dollar, taas oo ah lacagta ka imaan doonta dhanka Soomaaliya.

Sida uu ka sheegay kulanka sanadlaha ah ee Ururka, Madaxa golaha wasiiradda ee ururka bulshada bariga Afrika, Deng Aloor – Dakhli sanadeedka 2024/2025 ee dallada ayaa waxa uu ku soo aadayaa “Xilli dhaqaalaha wadamada ku bahoobay EAC uu wajahayo xaalado caalami ah oo aad u daran, taas oo ay ka tan bateen khilaafaad juquraafi iyo saameynta uu keenay isbadalka cimilada,”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sicirka shidaalka ee cirka isku sii shareeraya iyo cuntada aan la goyn Karin qiimaheeda ee ka jira gobolka ay cadaadis xoog leh ku keeneen sarrifka lacagaha qalaad.

Balse waxa uu xusay Deng, in in kasta oo caqabado badan oo nuucaasi ah jiraan, hadana uu kordhay dhaqaalaha Dallada Bulshada Bariga Afrika.

“Sare u kaca dakhliga ururka waxa uu ka yimid 2.8% isaga oo gaaray 8.1%, dhamaan dhinacyaduna waxay sheegeen in ay wadi doonaan horumarinta kororka dakhliga”, ayuu ka yiri Kulanka Mr. Deng.

Maxaa loo adeegsan doonaa lacagtaan?

Kulanka sanadlaha ee sharciga ah ee ururka ayaa waxaa looga hadlay kobaca dhaqaalaha wadamada ku bahoobay ururkaan iyo sidoo kale hab adeegsiga dakhligii 2023/2024, isaga oo goobta ka xusay warbixinta hantidhawrka ee faahafaahineysay arrimahaas.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku arimaha muhiimka ah ee ay doonayaan in ay ku bixiyaan dakhliga sanadkaan, waxa uuna faahfaahiyay qoondooyinka ay kala siin doonaan arimo ay ugu waawayn yihiin amniga iyo nabadda gobolka.

Waxa uu sheegay in lacag dhan 1 milyan oo doolarka Maraykanka ah ay u qoondeeyeen in lagu bixiyo nabadda iyo amniga gobolka sidii loo sii xoojin lahaa.

Arimaha ganacsiga iyo maalgashiga ayuu sheegay in loo qoondeeyay lacag gaaraysa 7 milyan oo doolarka Maraykanka ah, halka arimaha bulshada iyo waaxyaha waxsoosaarka leh uu sheegay in lagu bixin doono lacag gaareysa 6.2 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Horumarinta hay’adaha ayuu sheegay in ay ku bixi doonto ilaa iyo 10.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Lacagta ugu badan ayaa waxa ay ku bixi doontaa xubnaha iyo hay’adaha ururka oo loo qoondeeyay lacag dhan 66.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dakhliga guud ee ururka ee sanad dhaqaaleedka 2024/2025 ayaa waxa uu yahay $112,984,442 sida uu sheegay wasiirku.

Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka bulshada bariga Afrika bishii Maarso ee sanadkaan.

Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.

Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay kastam midaysan oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC.

Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, ururka EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010. Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah.

Isha: BBC



Source link