Home Xogta Dahsoon Maxay Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Cabdi Xaashi isku hayaan?

Maxay Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Cabdi Xaashi isku hayaan?

Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Framaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa muddaba soo jiitamayay, wuxuuna inta badan khilaafkani salka ku hayaa arrimo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, asxinta xeerar iyo shirar looga hadlayay arrimo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Qodobbada uu salka ku hayo khilaafkooda

Khilaafka ka dhaxeeya labadani mas’uul ayaa la rumeysan yahay inuu aad u soo shaac baxay sanadkii 2020-kii, markaasi oo ay si xowli ah u billowdeen wararka la xiriira doorashada dalka iyo hannaanka ay tahay in loo maro.

Shirkii Dhuusamareeb

1-dii bishii Febaraayo ee sanadkan ayaa guddoomiye, Cabdi Xaashi, waxa uu shaaciyay in uu ka qeybgalayo shir ka dhacayay magaalada Dhuusamareeb, oo loga hadlayay arrimaha doorashada, ayna isugu imaanayeen madaxda mamaul goballeedyada iyo kuwa dowladda federaalka. Cabdi Xaasi kama uusan qeybgelin shirkaasi maadaama aan lagu casumin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku wargeliyay intaanu shirkaasi furmin madaxweynha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) in uu doonayo ka qayb galka Shirkaasi maadaama arrimaha looga hadlayo ay ka mid ahaayeen arrinta soo xulista xubanaha xildhibaannada goballada waqooyi oo uu isaga ka soo jeedo.

Hase yeeshee guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu xilligaas ku wargeliyay in shirkaasi aan lagu casuumin, taasi oo meesha ka saartay rajadiisii ahayd inuu ka qayb galo shirkaasi. Cabdi Xaashi arrintaasi kueedeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa caddeynaysaa inuusan madaxweynuhu aqoonsaneyn Aqalka sare diidamada uu ii diiday shirka ay yeelanayaan dowladda dhexe iyo maamul goballeedyada iyadoo Aqalkaani yahay xiriiryahay oo isku xirayay dowladda dhexe iyo dowlad goballeedyada,” ayuu yiri isaga oo la hadlay BBC-da.

Dhanka kale, Cabdirashiid Xaashi, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa isla maalmahaasi shirku ka socday Dhuusamareeb ay BBC-du wax ka waydiisay eedeymaha ka imaanayay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuuna ku jawaabay in “shirkaasi dadkii lagu casuumay aaney cidi ka maqneyn.”

“Macsuumaadii shirka ee soo baxday waxaa lagu macsuumay darafyada kala duwan ee saxiixay shirkii Sebteembar 17-keedii ee Muqdisho ka soo baxay ee doorashada, waxaana lagu macsuumay dhammaaba madaxda maamul-goballeedyada iyo gobalka Banaadir, madaxda dowladda federaalka oo ah madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu waa ay fadhiyaan, waxaan qiyaasayaa anagoo ka tixraacayno baaqii madaxweynaha in maanta shirka loo dhan yahay, si wanaagsan oo habsimi lehna uu u furmay, mana tabayaan ka qaybgalayaasha shirku cid ka maqan” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Arrinta Aqalka sare

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku celceliyay marar badan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu aqoonsanAyn Aqalka sare, hase yeeshee ilaa haatan BBC-du ma hayso caddeymo muujinaya eedeymahaasi wuxuuse guddoomiyuhu yiri:”Waxaan ka xumahay in madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya aanu aqoonsaneyn Aqalka Sare ama oggaleyn oo hawlihiisa oo dhan aan ciriiri ku wadnay ilaa maanta”.

Golaha shacabka ayuu sheegay guddoomiyaha Aqalka Sare in ay meel mariyeen sharciyo ay ahayd in ay si wada jira ah u meelmariyaan, si ay sharci u noqdaan markaa kaddibna uu madaxweynuhu u saxiixo, haseyeeshee waxaa iyana xusid muddan in labada guddoomiye ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare uu khilaaf u dhaxeyay .

Muddo kordhintii hay’adaha dowladda

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in xeerkii uu Golaha shacabka ee Aqalka Hoose ku ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda uu ahaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka oo ay ahayd in la soo mariyo Aqalka Sare.

Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu sidoo kale guddoomiyaha ku xaqiijiyay in xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka uusan wanaagsaneyn.

“Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay laba aqal oo kala ah; Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. “Waxaan idiin sheegayaa in sharci kasta oo baarlamaanka Soomaalida uu sameeyo, waa inay labada aqalba ansixiyaan, markii ay labada aqal ansixiyaan waa inuu madaxweynaha u tagaa oo uu saxiixaa,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in “hal aqal uusan gaar u lahayn inuu sharci kaligiis ansixiyo”.

Xildhibaannada gobollada woqooyi

Arrinta kale ee la isku hayo ayaa ah arrinta xildhibaannada gobollada woqooyi oo dowladda iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ay muddo isku mari la’ yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xukuumaddu ay tanaasul ka sameysay arrintaasi oo sida ay sheegtay iyada oo “sharci-darro ay tahay” la siiyay Cabdi Xaashi afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada ee soo xulaya xildhibaannada gobollada woqooyi.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Duube ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu ku gacan seyray afartaasi xubnood ee loo oggolaaday, sidaana la isku mari waayay.

“Xukuumadda waxay ka tanaasushay oo ay u tanaasushay guddigii dhexdhexaadinta iyo odayaashii madaxweyneyaasha ka ahaa maamul-goboleedyada in Cabdi Xaashi la siiyo afar xubnood oo guddiga doorashooyinka ah oo ka mid ah guddiga doorashada Somaliland… haddana wuu diiday Cabdi Xaashi inuu qaato afar xubnood oo ah 40% xubnaha guddiga doorashooyinka,” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa degtay tan iyo markii arrinta doorashada uu la wareegay ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble balse mar kale ayay qaraxday kaddib markii guddomiye Cabdi Xaashi uu ka cawday sawwir iyo muuqaallo muujinayay isaga oo la socda madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa golaha shacabka. Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in uu la yaabay in la yirahdo waa la heshiiyay iyada oo uusan jirin wax heshiis ah.

Hadalka Cabdi Xaashi iyo sida uu uga falceliyay sawirkaasi ayaa muujinaya sida labada dhinac ay u kala fog yihiin, waxaase la eegayaa halka ay arrintani oo muddada soo jiitameysay ay isugu soo uruuri doonto.

Xigasho: BBC Somali

 

Source link