Maxay Kenya iyo Imaaraadka uga safteen Soomaaliya?

Golaha Amniga Qaramada Midoobay (QM) ayaa November 18, 2022, dib u cusboonaysiiyay muddo sanad ah (November 15, 2023) cunaqabateyntii hubka, iyadoo si xooggan Dowladda Federaalka Soomaaliya u diiddan tahay.

Go’aanka oo lagu kala qaybsanaa ayaa waxaa ansixiyay 11 xubnood, waxaase ka gaabsaday dalalka Shiinaha, Ruushka, Gabon iyo Ghana. Cunaqabataynta oo ah tii ugu dheereyd uguna ballaarnayd ee dal lagu soo rogo, ayaa wax ka tari la’ shabakadaha hubka u soo daabula argaggixisada.

Midowga Afrika ayaa Golaha Amniga ugu baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyo saanadda, si ay u dhammaystirto dib u dhiska ciidamada qaranka. Kenya oo ka ah xubin mihiim ah Ururka ayaa u bareertay inay taladaas jabiso wadajirkii qaaraddana ka dooratay danaheeda gaarka ah.

Qaraarka waxaa dabada ka riixayay dalalka Yurubta galbeed oo aan marnaba doonayn in dalku yeesho ciidan cudud leh. Danjire Abuukar Daahir Cusmaan – Ergayga u fadhiya Soomaaliya QM oo la yaabban halbeegga caddaalad-darrada ah ayaa yiri, “[shacabka] dhibbanaha u ah argaggixisada Soomaaliya” waxay isweydiinayaan sababta ka qaadista cunaqabateynta hubka ay khatar ugu tahay nabadda caalamka.

Qoraalka qaraarka oo uu soo diyaariyay dalka Britain (UK), uma muuqan mid ixtiraamka madaxbannaanida Soomaaliya ay u tahay udub dhexaad. Ma tixgelin mudnaanta dalka iyo horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ka muujisay maamulka iyo maareynta hubka tobankii sanadood ee la soo dhaafay.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa weerar dhan walba leh ku qaaday “Khawarijta”, balse waxuu war ka taagan yahay sida loo joogteyn lahaa guulaha hawlgalladaas. Danjire Abuukar Daahir oo dhaliilaya muddo kordhinta cunaqabateynta ayaa yiri, “[qaraarka waxuu] caqabad ku yahay awoodda looga hortagi lahaa halista Khawarijta”.

Soddon sanadood ka hor (1992), ujeeddada loo soo rogay cunaqabateynta hubka ayaa ahayd in lagu xaddido cududda qabqablayaashii dagaalka sokeeye. Khubarada amniga Geeska Afrika ayaa rumaysan in cunaqabatayntu tahay hub loo adeegsado hakinta habsami u socodka dib u dhiska dowladnimada oo gacanta loo geliyay cid kastoo nacab ku ah qarannimada Soomlaaliya.

Dhinaca kale, diblomaasiyaddii Xasan Sheekh ee dib loogu hagaajiyay xiriirka Soomaaliya la leedahay Kenya iyo Imaaraadka haakah lama oran. Labaduba raalli ka aha in Soomaaliya ay yeelato ciidan qaran oo suga amnigeeda iyo soohdimaheedaba waxayna muujiyeen in “saaxiibnimadoodu” tahay afka keliya ah.

Waxay si wadajir ah ugu ololaynayaan in Al-Shabaab iyo Xutiyiinta lagu daro argaggixisada caalamka. Weliba Kenya waxay u aragtaa taag darrada Soomaaliya wadiiqo ay ku sii joogi karto Jubbaland. Taa waxaa ka daran in labadooda safiirba ay ku jeesjeeseen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed kaddib markii ay yiraahdeen “tallaabada ay qaadeen waa tan ku habboon la dagaallanka argaggixisada Soomaaliya”.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo Golaha Amniga QM uusan dheg jalaq u siin hammiga shacabka iyo DFS. Bishii tagtay ayuu qaatay go’aan lagu kordhinayo muddo xileedka iyo hawlaha UNSOM. Hay’addu waxay lumisay sanadihii dambe miisaanka shaqadii loo igmaday. DFS ayaa in muddo ahba hamminaysay in UNSOM oo Jun 2013 loo abuuray nabadeynta ay noqoto mid la jaanqaadda mudnaanta dalka.

Walow, cunaqabataynta ka mamnuucayso dhammaan xubnaha QM inay hub iyo saanadba geeyaan Soomaaliya, haddana waxaa jirta dariishad yar, ciriiriba ha ahaatee, oo uu Golaha Amniga ee QM u furay dalka, taasoo ah in dowladaha xiriir gaashaandhig la leh Soomaaliya (TurkigaMaraykankaEritrea, iwm.) uusan khuseyn qaraarka, kana reebbanayn in ciidamada ay tababbaraan u dhammaystiraan hub iyo saanadba.

Isha: Jamhuriyadda



Source link