Home Warka Maanta Maxay Amnesty, QM iyo Hey’adaha Maxaliga ee Saxafiyiinta Ka Dhaheen Maalinta Warbaahinta?

Maxay Amnesty, QM iyo Hey’adaha Maxaliga ee Saxafiyiinta Ka Dhaheen Maalinta Warbaahinta?

Dunida waxaa maanta laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee warbaahinta, Soomaaliya ayaa laga deyrinayaa xaalka saxafiyiinteeda iyada oo arrintaas ay ka hadleen hey’ado dowli ah iyo qaar maxali ah.

Amnesty international oo qoraal maanta sameysay waxaa ku jirtay in Soomaaliya ay ku jirto meelaha ugu dhib badan oo uu saxafiga ku shaqeeyo, iyada oo la dilo, la garaaco, la handado, la iskana xiro, waxaa ayna eedda dusha ka saartay booliiska, militariga iyo hey’adaha kale ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, waxaa kale oo ay intaas ku dartay in maamullada ay diideen bixinta xogaha.

Warbixinta Amnesty international  waxaa ku jirta in ilaa 3 saxafi la dilay tan iyo sanadkii hore halka saxafiyiin lagu maxkamadeeyey Muqdisho iyo Garoowe, labo ka mid ah saxafiyiinta waxaa lasoo taagay maxkamad military sida Maxamed Cabdiwahab Nuur (Abuja) iyo  Kilwe Adan Farax.

Xuskan maalinta warbaahinta, waxaa sidoo kale ka hadlay ergeyga xogeyaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan,  isaga oo sheegay ahmiyadda ay leedahay helidda xogaha, awood siinta haweenka, dhiirigelinta sharciga, ka jawaabidda Covid 19 iyo arrimo kale.

The Somali Media Association (SOMA)  oo ah hey’ad u dooda xuquuqda saxafiyiinta oo maanta xutay in saxafayiinta ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil, dhac iyo handadaad.

SOMA waxaa ay qortay in sanadkan saxafi lagu dilay Galkacyo, Puntland halka guud ahaan Soomaaliya lagu xiray 14 saxafi iyada oo sababaha ku sheegtay iney maamullada ay dhibsadeen war tabintooda.

Warbixinta waxaa ku jirtay in Mustaqbal Media Center, la weeraray, lagana qaatay qalab isla markaana la waxyeeleeyey qaar ka tirsan shaqaalaha.

Hey’adda kale ee Saxafiyiinta ee SJS ayaa iyadana munaasabadda maanta ah qoray “Laga soo bilaabo Jannaayo illaa Abriil 2021 oo keliya, waxaa la xiray 30 weriye, iyadoo laba ka mid ah la maxkamadeeyay halka saddex xarun warbaahineedna la weeraray. Dhammaan xadgudubyadan waxaa geystey ciidamada amniga sida Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA), Booliska Haramcad, ciidamada amaanka ee dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle. Somaliland waxay xirtay lix wariye afartii bilood ee la soo dhaafay. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhimashada wariye Jamaal Faarax Aadan, halka ciidamada ammaanka dowladda ay toogteen oo dhaawaceen labo wariye oo waajibaad shaqo ku jiray. Hanjabaadaha iyo weerarada ka imaanaya saraakiisha dowladda, shaqsiyaadka gaarka ah iyo al-Shabaab waa kuwo kudhowaad maalinle ah. Soomaaliya waxay wali heysataa derejadeedii foosha xumeyd oo ah inay ka mid tahay waddamada ugu halista badan ee suxufinimo looga shaqeeyo.

SJS oo sii hadleysa “Helitaanka macluumaadka ayaa aad u xaddidan waddanka oo dhan. Xirfadleyda warbaahinta waxaa lagu dhibaateynayaa, lagana hor istaagay inay galaan dhismayaasha dowladda oo ay ka mid yihiin Aqalka Hoose ee Baarlamaanada Federaalka iyo xarumaha kale ee dowladda. Mas’uuliyiinta – ha ahaadeen heer federaal ama heer gobol – illaa hadda ma furin baaritaanno la xiriira dilalka iyo weerarro ka dhan ah suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale ee

“Saxaafadda xorta ahi waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ku wargelinta muwaadiniinta arrimaha danta dadweynaha iyo la socodka tallaabooyinka dowladda heerarkeeda kala duwan ay qaadeyso. Markii warfidiyeenka loo hanjabo, la weeraro, la xiro oo xarumaha warbaahineed la weeraro waxaa taasi macnaheedu yahay in muwaadiniintu aysan xaq u yeelan doonin inay soo bandhigaan arrimo muhiim ah oo saamaynaya dhismaha dowladnimada iyo ku dhaqanka sharciga oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri ”Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

Sanadkan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa iyada uu ballan uga baxay saxafiyiinta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Farmaajo ayaa sanadkii hore, maalin dunida iyo Soomaaliyaba  laga xusayey maalinta xorriyadda saxaafadda waxaa uu ballan qaaday in xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay ku sameynayo dib u eegis, isaga oo intaa raaciyey inuusan ku habboonayn in lagu maxkamadeeyo wariyeyaasha, xukuumaddiisuna ay ka shaqeynayso sidii looga gudbi lahaa inaan xeerkaas loo adeegsanin wariyeyaasha taasoo u baahan in la sameeyo dib u habeyn garsoor. Xeerkaas waxaa la meel mariyay 1964tii, kamana turjumi karo duruufaha maanta ee dalku ku sugan yahay.

Madaweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay in maamulkiisa aanu u dulqaadan doonin in saxaafadda loo aamusiyo fikir siyaasadeed kana hortagi doonno dhib kasta oo loo geysanayo

W/Q: Cabdicasis Gurbiye, 

 

Source link