Maxamed Cali Xagaa oo kusoo baxay doorasho ka dhacday MUQDISHO

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursigii u horreeyey ee HOP#268 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa, kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Maxamed Cali Xagaa ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, wuxuuna helay 98 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu faah faahiyey, sida ay u dhacday doorashada kursigan oo ka mid ah lix kursi oo maanta loo qorsheeyey in lagu doorto Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#268

mush.arixiinta ku tartamay waxay kala ahaayeen

Musharax xildhibaan, Mudane Maxamed Cali Xagaa

Musharax Xildhibaan, Mudane, Axmed Muumin Waaliye

Musharax xildhibaan Axmed Muumin Waaliye Ibraahim ayaa ka tanaasulay tartanka.

musharax xildhibaan Maxamed Cali Xagaa ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee Ergada oo ay soo xaadireen 99 Ergay, waxa uuna helay 98 ,waxa ka aamusay 1 ergay.

Sidaa daraadeed natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#268 Maxamed Cali Xagaa

Source link