Home Xogta Dahsoon Maxaadan Ogeyn Oo Caawa Ka Cusub Gudaha Muqdisho?

Maxaadan Ogeyn Oo Caawa Ka Cusub Gudaha Muqdisho?

Magaalada Muqdisho Ee caasimada Dalka waxa ka socda Kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin Xildhibaanada Dawlada kuwooda Mucaaradka iyo Kuwa Muxaafadka.

Hoteelada qaar ayaa shirarkaasi ay ka socdaan waxaana looga arinsanayaa Xaalada Dalka ka jirta iyo sida loo samatabixin karo.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa Galabta ku dhawaaqay Kudlad ay ugu magac dareen BAD BAADO QARAN Islamarkaana ay sheegeen in mar kasta ay ku dedaalayaan in la hor istaago damaca Muddo kororsiga Farmaajo iyo Rooble Wadaan.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa dhankiisa lasoo tebinayaa inay socdaan Kulamo looga hadlayo Kulanka Berri la filayo inuu dhaco.

Jahwareerka Siyaasadeed Ee Dalka ka jira ayaa waxa laga digayaa in Loo horseedo Dalka iyo Dadka Qalalaaso Dawladnimada lagu bur buriyo.

Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa soo shaac baxday in Xukuumada ay berri ku dhawaaqi doonto in Dalka la gelinayo balse Labo Sano Dawlada loogu daro si ay usoo dhameystiraan Qorshahaasi.