Maxaa xigi kara carada ka dhalatay magacaabista duqa cusub ee mogadishu? – Faallo




mogadishu (Allbanaadir Media) – Ballan-qaadkii madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashadiisa kadib hal-hayska ugu dhigay dowladdiisa ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” iyo in tareenka uu wadaha ka yahay dadka dhami qaadi karo ayaa hadda waxaa caddaaday inuu ahaa been.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xilal kala duwan u magacaabay xubno xisbigiisa UPD ka tirsan, wuxuuna xilalka ugu muhiimsan dowladda uguna danbeeyay ee guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa mogadishu uu siiyey Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale “Boorsaani”.

Magacaabista Yuusuf Boorsaani ayaa meesha ka saartay ballan-qaadkii Xasan Sheekh ee ahaa inuusan kooxdiisa ku koobi doonin xilalka muhiim ah ee dowladda, iyadoo dhismihii xukuumaddaba ay kassoo muuqatay ballan furka uu sameeyey kadib markii saaxiibadiisa muhiimka ah ay golaha xukuumadda kasoo wada muuqdeen, intii kalena ay banaanka ka taagan yihiin.

Magacaabista guddoomiyaha gobolka oo aad loo sugayay lana filayay in madaxweynihi ku qanciyo beesha Afar Galmaax oo lagu qadariyo mansabka gobolka Banaadir ayuu ka weecday, waxayna magacaabistii Sheekh Yuusuf ay dhalisay in si weyn looga hadlo baraha bulshada lana dhaleeceeyo ballan fur uu madaxweynaha ku sameeyay afarta beesha Galmaax Yoonis oo xilkaani mudneyd in markaani ay qabtaan maadaama awood qeybsiga beesha Wacbuudhan marka la fiiriyo ay beesha mudneyd.

Baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay arrintan, qaar ayaa qaba in madaxweyne Xasan inuu xilkaan kusoo celiyo mar kale Yuusuf Jimcaale inay tahay culeys iyo cadaadis xubnaha xibsiga ku saareen, balse waxaa taasi shaki gelinaya mudada ay ku qaadatay inuu magacaabo siyaasi hoso joogay sanado.

Carada magacaabistaasi ayaa sidoo kale so dedejisay in siyaasiyiinta, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo aqoonyahanada beesha Galmaax Yoonis ku shiraan mogadishu si go’aan ugu qaataan tallaabada ay ka qaadayaan Xasan Sheekh, waxaana xiisadaasi kadib ergo uu soo diray Xasan Sheekh la kulmeen waxgaradkaasi balse natiijadu noqotay mid lagu kala tago.

Si uu u qaboojiyo Xasan Sheekh xiisadaasi, wuxuu beesha u ballan qaaday xilal muhiim ah iyo darajooyin loo kordhinayo saraakiisha beesha, taasoo ay ka horyimaadeen xubnaha shirkaasi ka qeyb galay.

Guuxa iyo mucaarado badan oo ay muujiyeen siyaasiyiin ka tirsan dowladda, xildhibaano iyo qeybaha bulshada ayaa so weyn loo dareemay kadib magacaabistii Duqa mogadishu, waxaana mogadishu ka dhacay shirweyne ay isugu yimaadeen beelweynta Galmaax Yoonis oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku balan furay.

Waxay xubnahan tilmaameen in uu ka balan qaaday in xilkaani uu siin doono beesha Afarta Galmaax maadaama beesha Wacbuudhan awood qeybsi ahaan marka loo fiiriyo ay iyaga xiligaan xaq u leeyihiin, iyadoo laga fiirinaayo awood qeybsiga beesha Wacbuudhan oo beesha Daa’uud ku fadhido labo kursi oo ah xildhibaano heer federaal, halka beesha Galmaax iyo walaalahood Kabaale ay min hal xildhibaan ka heleen baarlamaanka federaalka, waxayna taasi wax u dhimeysaa awood qeybsiga iyo inuu jiro sedbursi madaxweyne Xasan Sheekh iska indha tiray isagoo eegaayo cadaadiska xubnaha xisbigiisa.

Xiligii adkaa ee murashaxinta ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif waxaa beesha Galmaax Yoonis lagu xasuustaa garab istaagii iyo naf hurnimadii ay u muujiyeen Xasan Sheekh, iyadoo saraakiishooda iyo ciidamadii ay hoggaaminayeen ee Badbaado Qaran ay ka difaaceen weeraradii lagu soo qaaday xiligaasi.

Saraakiishii beeshaasha Galmaax ee hor istaagay weeraradaasi waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ciidamadii Badbaado Qaran ka dhex muuqday, Mas-dile, Liibaan Maxamuud Rooble, Yaasiin Geeddi iyo Saraakiil kale.

Dhawaaqa iyo carada ka dhalatay magacaabista Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxay keentay in Xasan Sheekh loogu yeero inuu dhexda jabay tariinkii uu sheegay in Soomaali dhan wada qaado, “Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah,” balse hadda xaaladu mareyso in Abgaalkii uu ka dhashay ay dhexdooda dagaal qarka u saaran yihiin, iska daa warkooda maamul goboleedyadii dalkana oo xaaladooda mareysa inay xiriirkii u jareen wasaaradihii muhiimka ahaa ee federaalka.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

Yuusuf Xuseen Jimcaale “ Boorsaani ayaa bishii November 2015 illaa 5-ta April 2017, waxaana sidoo kale xilligaas magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, muddo xieedkiisii koowaad, intii uu xilkaasi hayay waxaa lagu xusuustaa inuu fuliyay mashruucii Hal dollar dalkaada ku dhiso.”

Waxaa jiro eedeymo badan oo aakhirkii markii madaxweyne Farmaajo xilka la wareegay soo shaac baxday oo ku saabsanaa muran iyo gacan ka hadal ka dhashay dhulal dan guud ah oo xiligii kala guurka ee 2016-2017 uu maamulkii gobolka ee Sheekh Yuusuf si musuq maasuq ah u iibsaday.

Dhulkaasi waxaa laga xusi karaa halkii la oran jiray Suuqii Ceel-garweyne ee degmada Howlwadaag oo lagu iibin jiray ariga, markii dambena ahaa barxad lagu ciyaaro Kubadda Cagta, dhulkaasi oo baaxad leh ayaa lagu wareejiyay shirkaddo iyo shaqsiyaad, waxaana markii danbe soo farageliyay maamulkii Madaxweyne Farmaajo oo si toos ah warqad ugu diray Yuusuf Jimcaale, sababtayna xil ka qaadistii Sheekh Yuusuf.

Waxaa kaloo xusid mudan dhulkii Terabuunka oo maamulkii gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale bishii Dicember 2016 uu iibiyay, gaar ahaana dhulka ku yaalla inta u dhaxeysa fagaaraha Terabuunka iyo isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan. Dhulkaasi oo ka koobnaa 128 boos oo booskiiba ku fadhiyo 20×15, midkiina lagu kala iibsaday $100.000 sida ay kashiftay Allbanaadir Media xiligaasi (Akhri). 

Maxaa laga filan karaa hadda?

Xiligaan lama saadaalin karo halka waxqabadka cusub ee Guddoomiye Boorsaani saldhigan doono, iyo in uu waaya aragnimo intaas ugu filan u noqon doonta inuu ka gudbo qaladaadkii horay u dhacay iyo in uu qaadi doono wado cusub oo ka dhigeyso maamul hadda dhashay uu u adeego bulshada Banaadir.

Bulshada mogadishu waa canshuur bixiyaal, haddana kuma nacfiyaan canshuurta ay bixiyaan, iyagoo aan haba yaraadee helin xaqii ay u lahaayeen inay helaan amni, caafimaad, waxbarasho iyo beled nadif ah, taas badalkeedna canshuurta ay bixyaan waxay ku muteystaan amni daro, dil, dhac iyo caddaalad daro.

Goblka Banaadir wuxuu u baahan yahay maamul dadkiisa soo doorta oo shacabka ay la xisaabtamaan. Balse ballan-qaadkii madaxweyne Xasan ee kahor doorashadiisii labaad ka dhawaajiyay wuxuu isu beddelay maamul aan la isku raacsaneyn oo colaad ka dhex dhalin kara beelaha gobolka Banaadir, kadib markii uu doortay shaqsi xigto hoosaad iyo xisbi wadaag ay yihiin.

Cali Muxiyaddiin
Allbanaadir Media



Source link