Maxaa maanta looga hadlay shirweynaha culimada Soomaaliyeed? + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa maalintii labaad galay shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo “sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah.”

Shirweynaha culimada oo ay ka qeyb galayaan culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ajendaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago khilaafaadka umadda Soomaaliyeed, loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daanaya, lagana shaeeyo masaalixda guud ee dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in doorka culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumidda umadda Soomaaliyeed uu yahay mid weyn, wuxuuna rejo ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan kasoo bixi doonto.

Madaxweyne Xasan oo shalay furay shirweynahan ayaa culimada ku adkeeyey in ay xoojiyaan wacyi-gelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xasuusiyey culimada dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaas.



Source link