Maxaa ka jira inuu Xasan dhisanayo ciidan gaar ah uuna hubeynayo beel gaar ah?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Muddo sanad ku dhow waxaa la hadal-hayay inuu madaxweyne Xasan Sheekh u jiheystay dhismaha ciidan beeleed u gaar ah.

Liiskan oo ay dadka tiro kala duwan sheegayeen ayaa lambarka ugu yar ee la sheego waxa uu ahaa 1,500 oo askari oo ah jufada hoose ee madaxweynaha.

Tuhunkii arrintaas la xiriiray waxaa dhawaan kor u sheegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Mowduucan xasaasiga ah wuxuu Shariifka u kala qaaday saddex dhinac, kuwaas oo kala ah;

1. Qaab dhismeedka ciidanka oo loo dumiyey inay awoodda ciidanka cid gaar ah gacanta u gasho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh waxa uu sheegay in dhawaan la bur-buriyay qaab dhismeedkii ciidanka xoogga dalka, sababtana wuxuu ku sheegay inay tahay dan shaqsi ah iyo iyada oo la raadinayo in awoodda ciidanka dad gaar ah gacanta u gasho.

Bur-burinta qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka waxaa la sheegay inuu sidoo kale horey uga gadooday taliyaha ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

2. Is-hubeyn hoggaamineed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in maanta lagu fikiro in hoggaanka dalka uu si gaar ah isku hubeeyo oo uu muujiyo damaca ah inuu ciidan wax ku haysan karo.

Shariifka wuxuu sheegay inay dalka xukumi jireen Jeneraalo ciidanka oo dhan iyo hubka oo dhan gacanta ku hayay, kuwaas oo la ogyahay halka ay ugu dambeyn ku dhamaadeen.

3. In aan ciidanka si siman loo qorin

Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in ciidanka dowladda federaalka si siman loo qorin waayahan dambe oo dad gaar ah loo badiyay.

Tani waxay daaha ka qaadeysa tuhunkii ahaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh si weyn u ciidameynayo reerkiisa hoose, isaga oo qaba in qori caaradiis ku dheereysto xukunka.

Dhamaan arrimahan la xiriira is-hubeynta hoggaanka dalka, in ciidanka reer gaar ah loo badiyay askartii la qoray labadii sano ee ugu dambeysay iyo inay qaab dhismeedkii ciidanka loo dumiyay dano gaar ah oo awood dheeri ah lagu raadinayo.

Waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed hordhac ka siinayaan halka uu kusoo dhamaan doono xukunka madaxweyne Xasan Sheekh. Horey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidan oo kale iskugu dayey inuu ciidan isaga daacad u ah sameysto, si uu dadka ugu caburiyo xukunkana ugu dheereysto.

Wuxuuna ka faa’iiday eeda aan illaa iyo hadda dhamaanin, Muqdisho dhexdeeda oo difaac la kala xirtay oo dagaalna gashay iyo hal sano iyo saddex bilood oo muddo kororsi ah. Haddana waxaa la eegaya halka uu jidkan geyn doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



Source link