Mareykanka oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Duqeyn ay shalay ka geesteen Puntland

Posted on




Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo garab siinayay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn culus shalay ka fuliyay deegaanno dhaca buuraha gobolka Bari ee Puntland.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta shalay oo taariikhda aheyd 31-da bisha May duqeyn ku dileen saddex xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish.

Mareykanka ayaana sheegay duqeynta ay iska kaashadeen ciidankooda iyo kan dowladda Soomaaliya, waxa ayna duqeynta ka dhacday deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika. Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, latalinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Africom.

Maamulka Puntland ayaana ka hadlin duqeyntan ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee ka dhacay buuraha gobolka Bari, Puntland ayaana horey u beenisay duqeyn isbuucii hore dhacday in ciidanka DFS ay ku lug lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link