Mareykanka iyo Ruushka oo sameeyay arrin taariikhi ah – Maxay tahay?

Posted on

Moscow (Wararka Maanta) – Maraykanka iyo Ruushka ayaa is-weydaarsaday in ka badan 20 maxbuus oo ay iska kala hayeen qaarkoodna laga sii daayay xabsiyo ku yaalla Yurub, taasoo ka dhigtay is-weydaarisigi ugu ballaarnaa oo ay labadan dal sameeyaan tan iyo burburki Midowgii Sofiyetka.

Heshiiskan caalamiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen dhowr waddan, ayuu Ruushka kusoo daayay Evan Gershkovich, oo ah saxafi u shaqeeya wargeyska The Wall Street Journal iyo Paul Whelan oo Maraykan ah, iyo Vladimir Kara-Murza, oo ka mid ah dadka sida weyn u naqdiya Putin, balse heysta deganaashaha Mareykanka.

Maxaabiista ay Moscow sii deysay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta, Alsu Kurmasheva oo ah wariye u shaqeysa warbaahinta Radio Free Europe/Radio Liberty, oo mataan la ah VOA. Alsu ayaa isku heysata dhalashada Ruushka iyo Mareykanka.

Oleg Orlov, oo ah rug-caddaa muddo u ololeynayay xuquuqda aadanah Ruushka iyo Ilya Yashin, oo si aada u diiday duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa ka mid ahaa dadka laga sii daayay xabsiyada Ruushka.

Dhanka Ruushka, maxaabiista loo sii daayay waxaa ka mid ahaa Vadim Krasikov, oo sannadki 2021-ki lagu xakumay dalka Jarmalka, kaddib marki lagu eedeeyay inuu xaddiiqad ku taallo magaalada Berlin ku dilay, sarkaal horay uga tirsanaa jabhaddii Jeejniya ee Ruushka. Vadim ayaa lagu xakumay xabsi daa’in.

Ruushka waxaa kaloo loo gacan geliyay saddex nin oo ku jiray xabsiyada Mareykanka oo uu ku jiro Roman Seleznev, oo ku eedeysnaa inuu hadda ka hor usoo dhacay kambayuutarrada dowladda Mareykanka. Slovenia, waxay sii deysay laba nin oo ku eedeysnaa jaajuusnimo.

Norway, ayaa sii deysay cilmi-baare Ruush ah oo ku eedeesnaa basaasnimo, halka Poland ay fasaxday nin ku eedeesnaa howlo jaasuusnimo ah.

Dhammaan maxaabiista ay dhinacyada is weydaarteen ayaa waxaa fududeysay Dowladda Turkiga, waxana lagu kala wareegay dadkaasi gudaha magaalada Ankara.

Madaxwenaha Mareykanka Joe Biden ayaa is weydaarsiga maxaabiista ku sheegay mid ku yimid heshiis adag. Wuxuu kaloo tusaale awood badan ku sheegay sababta ay muhiim u tahay in saaxibbo lagu yeesho dunida.



Source link