Maleeshiyo qabiileed dalka ma ka xoreyn karaan Shabaab?




Dowladihii soo maray Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee tirada badan ee waddanka jooga waxay muddo badan qorsheynayeen in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan waddanka, laakiin waa ku guuldareysteen, maxaa yeelay Al-Shabaab meelo badan oo waddanka ka mid ah ayey wali maamulaan.  

Waxay hadda u muuqataa dowladdan cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Xasan Sheekh, raisulwasaarana ka yahay Xamza Barre ay go`aan sadeen in ay abuuraan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab ayagoo taageeraya, hubeynayana dadka degaanka (militia) ama macawisleey. Arrintan waxay abuurtay walaac iyo mid lagu kala aragti duwan yahay.  

Dadka qaarkood waxay qabaan habka kaliya ee Al-Shabaab looga adkaan karo in tahay in lagu kiciyo dadka degaanka si ay u waayaan gabaad, halka qaarka kalena ay u arkaan in xalku ku jiro talo mideysan iyo ciidan qaran oo tayo leh.  

Waa muhiim in kacdoon la buuro oo lagu kicinayo dadka degaanka ah in ay iska caabiyaan oo iska saaraan Al-Shabaab, ayaga oo taageero ka helaya ama ka barbar dagaalamaya ciidamada qaranka maadaama ay kala yaqaan degaanka iyo dadka, laakiin waxaa loo baahan yahay in laga fakaro cawaaqibxumada ka imaan karta.  

Maxay tahay khatarta ka imaan karta hubeynta maleeshiyadan? 

Khatarka ka imaankarta maleeshiyadan waa in ay noqdaan ama isku badalaan mooryaan wax qaribta sida aan ka baranay jabhadihii waddanka ka saaray madaxweynihii hore ee Siyaad Barre.  

Haddii aan la abuurin nadaam lagu xakameeyo maleeshiyadan iyo hubkooda, waxaa dhalan karta in ay soo laabato dagaal oogayaal cusub (New warlords), oo uu waddanku galo qalalaase hor leh, shacabka ku nool goobaha ay ka taliyaana ay la kulmaan baad iyo xad gudubyo sida looga bartay qabqablayaashii hore.  

Waxaa kaloo soo baxaya in siyaasiyiin ay hubeynayaan qabiiladooda ayagoo ku marmarsoonaya waxaan la dagaalameynaa Al-Shabaab, laakiin raba in ay dhistaan awood ay ku gorgortamaan si ay u helaan jagooyin sare , amaba ku sii joogaan xukunkooda. 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, talo fiican weeye in la adeegsado dadka degaanka si looga adkaado Al-Shabaab, laakiin ka hor waxaa loo baahan yahay in la qiimeeyo marxallada meelo badana wax laga fiiriyo.  

Dowladda dhexe iyo maamuladii islama socdaan oo mugdi ayaa ku kala dhex jira, taliyaashii ciddamada lama badalin, lamana heysto oo shaki waxaa ku jira in la badalayo, 5000 oo ciidan oo tabaran ayaa wali Eriteriya jooga oo loo adeegsan karo la dagaalanka cadowga meeshii maleeshiyaad qabiil la abuuri lahaa, hay`adihii dowladda si fiican uma cago dhigan oo is qabqabsi ayaa ka dhex bilowday.  

Haddaba, waxaas oo qabadado ah iyo inkaloo badan markaan darsay, waxaan kula talin lahaa dowladda in ay dib u eegis ku sameyso siyaasaddan inta aysan talo faraha ka bixin.

Waxaa qoray Saciid Axmed Xaaji (Careys) oo ka foollooda arrimaha amniga.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Allbanaadir Media. Allbanaadir Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid. 

The post Maleeshiyo qabiileed dalka ma ka xoreyn karaan Shabaab? appeared first on Allbanaadir Media.

Source link