Home Xogta Dahsoon Maleeshiyaad Hub culus wata oo gudaha ugalay Dh/mareeb & xaalka oo kacsan

Maleeshiyaad Hub culus wata oo gudaha ugalay Dh/mareeb & xaalka oo kacsan

Magaalada dhuusa mareeb ayaa waxaa maanta duhurnimadii gaaray Ciidamo ka gadoodsan Kursiga la sheegay in loo xirayo Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed.

Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka Beesha ceyr gaar ahaan jufada yabar dhowrakace ayaa ka digay dagaal ka dhaca Dhuuso mareeb.

Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiidka nuucyadiisa kala duwan,ayaa gudaha ugalay magaaladaasi.

Waxaana hadda lagu arkayaa Bartamaha Magaalada dhuusa mareeb dhaq dhaqaaqyo ciidan,Xaalada  ayaana aad u kacsan waxa ayna is badashay kadib markii Qoor Qoor Kursiga Aqalka sare u xiray C/xakiin Macalin oo maanta Magaaladaasi gaaray.

C/xakiin Macalin Axmed ayaa isagu hore u ahaa xildhibaan katirsan golaha shacabka soomaaliya,balse hadda waxa uu doonayaa inuu senetar noqdo.

 

Source link