Home Warka Maanta Mahdi Guuleed: “Dowladda Qatar waa saaxiib muhiim ah oo taageerta horumarka Soomaaliya..”

Mahdi Guuleed: “Dowladda Qatar waa saaxiib muhiim ah oo taageerta horumarka Soomaaliya..”

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan kuwada yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Laba mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli lagu heshiin.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in sidoo kale Dr. Mutlaq Al-Qahtani ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

“Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal” Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Mutlaq ayaa bilowgii imaanshihiisa kulan la qaatay Ra’isul wasaare Rooble oo ay iska wareesteen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo sida uu u maareyn karo.

Waxaana Mutlaq loo shegay in Farmaajo uu aaminsanyahay Mahdi Guuleed islamarkana dhowr jeeer uu hadalo xanaf leh oo doorashada ku saaabsan uu soo mariyay warbaahinta.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka waxa uu u sheegay in dalka uu doorasho aaday islamarkana madaxweynaha uusan door weyn ku lahaan doonin isagoo ka dalbaday iney sii wado taageerada ay siiso Farmajo.

Ergeyga ka socda Qatar ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, waxaa Qatar ay muujineysaa sida ay uga go’an tahay taageerida doorasho nabdoon ah oo dhacda.

 

Source link